Articles

10-kii Daqiiqo ee Minnesota! (SHeeko Gaaban)

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

Illen ilmadu waa macno la’aan hadaysan cid kuu danqanaysa kula joogin! Waligayba isma oran! Ileen Agoonimmadu ma aha hooyo iyo aabo oo la waayo oo keliya! Waligayba isma oran! Maalmuhu xasuustoodu arami badanaa, “Allaah dalkeenu wanaagsanaayaa!…Ayaan dhoweyd qalbaddaa meel i go’day!” waxaa sidaas igu yiri nin aan saaxiibo nahay oo ku nool dalka Maraykanka “Mar kasta oo aan hadda wiilkayga yar arko waan naxayaa!” ayuu raaciyay, anigu wali ma garan waxa ku dhacay iyo waxa uu sheegayo, hasa yeeshee run ahaan waxaan arkayay inuu aad u qalbi xumaa, “Al-xamdu lilaah, Ilaahay noo roonaa! Haddaad ogaan lahayd sida aan maalin dhoweyd sameeyay iyo khatarta uu galay wiilkayga! Sadaqaa nagu waajibtay!” ayuu yiri, oo maxaa dhacay?!

Wuxuu dib ugu laabtay xasuusta yaraantiisii, isagoo giraan (garaangar) wata, isagoo caga-cad oo aan kabo qabin, isagoo roob ku qubaysanaya isuna dhigay biyo ka soo darooraya dhuun jiingad ah, saxansaxada uduggeeda isagoo banaanka ka tegi waayay sankana la raacaya, isagoo gaari intuu eryado daba qabsanaya, isagoo intuu ciyaal wax ku soo dhuftay aabbihii iyo hooyadii loo soo dacwoonayo, waa dabeecado aan laga helayn dalka uu yimidi ilmihiisana ay ku korayaan.

Waa meel ka nolol duwan noloshii uu soo maray, waa meel ka dag, markuu roobku soo curto digniin baa bilaabanaysa “Iska jira ha la galo gurga qaybahiisa hoose, ha laga fogaado daaqadaha iyo meelaha uu kaa soo gaari karo firidhka muraayadaha, waxaa soo socda Onkod iyo dabaylo (THUNDER STORM) ha laga fogaado..!” marka ay qorax jirto meel muraayado madmadow laga gashanayo iftiinkeeda, meel kulaylkeeda laga dhaashanayo, meel ilmuhu haddii ay is qabtaan boliis loogu yeerayo waalidintana aan looga dacwoon ha yaradaan ha weynaadaan!…markii sii yaabo, markay wax kasta ku noqdaan wuxuusan horay u arag, markay wax kasta la qaloocdaan, ayuu madax inta lulo yiraahdaa “War ileen tanoo kale?! dadkaan waan kala dhaqan duwannahay” mar kasta oo uu wax ka garan waayo intaas buu isku qanciyaa!

Waxay ahayd dhacdo uu run ahaantii uu aad ugu xummaaday, wuxuu mar kasta ku celcelinayay “ Allah mahada iska leh! Hadeer baa waxaa igu soo yaaci lahaa war baahinta Maraykanka oo aad moodo inay jecelyihiin wax ka sheegista dadka Immigrants-ka ah sidaydoo kale, hadaad Muslim tahayna kaba sii daran!” isagoo qoslaya qosol aan dhamays tirmayn ama qosol gariiraya, madaxana ruxaya “Wax kasta waxaa kaaga daran qof kasta oo aad deris tihiin waaba dhaqan ay leeyihiin marqaati inuu kugu furo hadaad gefto waxay ku leeyihiin weligeen baan shaki ka qabnay, nin xun buu u ekaa, nin khatar ah buu u ekaa, haddii lagu ammaano nin fiican buu ahaa, hawl kar buu ahaa, barafka si fiican buu gurigiisa uga xaaqi jiray,…waa dad wixii laguugu sheego u marqaati fura wax ka duwan ka maqli maysid ma cabsanayaan ma aqaan, mise?!…Al-xamdu lillaah!”

Waxaas oo dhan waxaa kaga naxdin weynaa cidllada, meel laysu gargaaro ma aha, waa adiga iyo boliiska keliya, kan dadka ugu wanaagsan marka uu rabo inuu kuu gargaaro boliiskuu kugu wacayaa, kuma xirna khatarta uu arkay inta ay la egtahay inuu wax ka qaban karo iyo in kale, macnha qaybo badan oo mas’uuliyaddii qofku uu lahaa ah waxay ku daycmi kartaa dabeecado iyo dhaqan qaynuun ah oo lagu hor joogsanayo khaladaad waayo aragnimmada laga kororsaday oo laga cabsanayo in loo helo marmarsiinyo.

Xoogaa markuu sheekeeyaba wuxuu yiraahdaa “Wallaahay waa geesi! Ilma yar oo lix jir ah, aan arkayn qof Soomaali ah, oo aan aqoon dhaqan ka baxsan kan gurigooda, Max’ed-Ammiin maa-shaa- Allaah!…” wuxuu aad uga murugaysnaa sida fudud ee uu khatarta ugu dhici lahaa wiilkiisa, KHATAR!..khatarta noocan ah waaba sahal inay ilmuhu mutaan waayo waa qayb ka mid ah dabeecadha dalalka shisheeyaha ah ee aan nimid, ma fududa in laga baxsado, wuxuu soo xasuustay habeen isagoo 8 jir ah intuu ku lumay xaafad kale uu iska seexday meel ay seexanayeen ciyaalka dibad joogta ah, “ ciyaalkii dibad joogta ahaa markay I arkeen inaan soo lumay way I wadeen waxayna I siiyeen baakad oo ii gogleen, qaarkood way iga yaryaraayeen laakiin hadana aniga ayaa la iila dhaqmayay sidii aan ka wada yarahay, waxaa casho ahaan la ii siiyay cuntooyin laysku soo dardaray oo ku jiray weel aan u malaynayo inuu ahaa teneg la soo jaray” wax kasta oo la soo helo waxaa ay ciyaalkaas lahaayeen aaway wiilkii yaraa? oo anigaa laygu hor marinayay markii la seexanayayna waxaa lay siiyay jawaan aan dhaxanta ka huwado!…Marti Soor Gobeed oo Soomaalinimo tabarta haba iska yaraatee” ayuu yiri.
Wuxuu isku dayayay inuu qariyo dareenkkisa kacsanaa, mararka qaar codkiisa xabeeb baa gelaysay ama codkaa weynaaniyay, ama wuxuu yeelanayay cod qof oohin iskucelinayo oo kale ah, indhihiisa way casaadeen illin baana ku taagtaagnayd, waxaana ka muuqday inuu bilaabay neef xooggan, isagoo waliba indhaha marmaraya, wajiga oo dhan waxaa ka muuqday raadka walaaca uu dareemayo, waxaase adkayd inay indhihiisa illin ka soo dhacdo, ….haa qasab bay ku ahayd inaysan illin ka soo dhicin sida uu ka bartay dhaqanka uu ku soo koray, dibinta hoose ayuu qaniinayay.

Xaaladu waa dabeecadda adag ee qurbaha, meeshu waa Maraykan, waxay ahayd 2dii may2013, khamiis bay ahayd, 10daqiiqo keliya ayuu ka soo daahay! Laakiin khatar kasta marka ay dhacayso waxay dhacdaa hal il biriqsi oo keliya gudihiisa, il biriqsi keliya! sidaa daraadeed 10daqiiqo waqti yar ma aha (600 il-biriqsi), ilmo yar oo 6sano jir ah oo cidla dareemay, cabsaday, qofna uusan la joogin 10daqiiqo!…waa hubaal inuu argagaxay! Hareerihiisa oo dhan waxaa uu ka milicsanayaa khatar isaga ku soo fool leh…

Waxaa dhacaysay dabayl qabow, sanadkan waxaa bishaan horaanteeda dhacayay qabow daran ama xataa mararka qaarkood baraf, in kastoo aysan ahayn mid la filayay marka la fiiriyo dabeecadda xilliyada gobolka Minnesota, Max’ed_AMMiin wuxuu ka soo degay baskii iskuulka ka soo qaaday oo guriga hor dhigay, intuusan irridkii guriga gaarina ka dhaqaaqay, isagoo sidii caadadiisu ahayd ciyaaraya ayuu isa soo taagay albaabkii aqalkooda oo garaacay ganbaleelihii, laakiin siduu arki jiray ama dhici jirtay albaabkii cid ka furto ayuu waayay, gurigii ayuu ku warwareegay, mise cid dhaqdhaqaaqda ma leh, isla markiiba waxaa ku dhacay argagax!…aad buu isugu naxay, “maxaa dhacay?” ayuu is weydiiyay laakiin jawaabtii uu qiyaasay way cabsi gelisay “MONSTER maa cunayna?!” mar keliya ayuu kor u qayliyay isagoo albaabkii garaacaya “Aabbe!..Hooyo!..AAAABBE! HOOOOOOYOO!” laakiin jawaab ma leh!

Wuxuu bilaabay inuu ooyo! Wuxuu ku celcelinayay “Aaaabbe! Hooooyo!” wuxuu ku wareegaalaystay guriga isagoo ooyniya, CIDLO! Qofna ma joogo!” Maxaa dhacay?” jawaabta ma leh, waa ku adagtahay inuu helo jawaab, reerkii qofna ma leh! “maxaa dhacay?” madaxiisa weydiintaas baa ku soo noqnoqonaysay laakiin inuu ka jawaabo way ku adkayd, deriska xaafadda oo caddaan wada ah dushana uga jeeday waxay la ahayd inuu iska ciyaarayo, ma aysan dareemin inuu keligii yahay, haddii uu aadi lahaa waxaan horay u jirin xiriir is dhex gal ah iyaga xaafadaha deriska ah ka dhexeeyay, sidaas daraadeed dhaqankiisa kama mid ahayn inuu deriska aado!

Wuxuu soo fariistay xatabadda irriddii aqalka laga geliyay, wuxuu garanayay in walaalihii ay subaxnimadii wada jarmaadeen oo dugsiyada (shools) aadeen, xaaladdu caadigii aad bay uga duwantahay! Inuu keyn cidla ah keligiis fadhiyo waxba ugama duwanayn! Boorsadiisii wali dhabarka ayeey u saaranayd xataa wuxuu xasuusan kari waayay inuu iska dhigo, siduu u ooyniyay ayaa codkii go’ay, illintii indhihiisa ka soo baxday ayaa garkiisa hoos u dhaaftay, xoogaa markuu joogo “Aaaaabow” ama “Hoooooooooooyooy” oo cod tag daran ah, wajigii buu ka bararay, dhuuntii baa qalashay, aad buu u walbahaaray, walbahaar uusan arkayn rajo ka dambaysa, waa ilmo yar oo aan wali garan rajo iyo rajo la’aan…maxaa dhacay?

Xasuustiisa waxaa ku soo dhacay inuu aabihii taleefoonka ka Waco, caado ahaan aabihii intuusan guriga imaan buu maalin kasta dhowr jeer wici jiray, wuu yara faraxay, himmad baa soo gashay, oo inta is hilmaamay kor u booday is yiri guriga gal oo wac aabahaa, mise?…oohin hor leh buu bilaabay oo albaabkii garaacid ugu noqday….oo gambaleelihii garaacay! Oo markii uu daalay hadana meeshiisii fariistay!

Wuxuu kordhay dareenkiisii cabsida, cabsi aad u weyn!! Wuxuu bilaabay inuu ku fekero xaggee baa ammaan ah oo aad aaddaa, meel ammaan ah buu garan waayay, dadka jidka marayay oo dhammaantood caddaan ahaa isla markaasna 99% eey u hoggaansanaayeen wuxuu dareemayay inaysan waxba isu ahayn, eeygana wuxuu bartay inuu yahay nijaaso aysan dadkiisa Islaamka ah guryaha ku haysan, wax kasta oo hortiisa ka muuqday waxay la noqdeen wax khalaad oo uusan waxba la wadaagin!…..

Cabsida gashay waa sii korodhay, shanqarta dabaysha, geedaha ruxanaya,iyo cida shimbiraha saaran geedaha guriga lagu beeray waxay ula ekaatay duurarkii hawdka ahaa ee Afrika ee uu wax badan telefishanka ka fiirsan jiray, Max’ed-Ammin siduu u ooyniyay ayuu ku lulooday, hurdaa qabatay, malaha wuxuu ku qarwayay codka aabihii iyo hooyadiii “hee aabo..hee hooyo” hadana isla markiiba wuu ka soo booday,wuxuu dareemay qabow, haddii uu kor fiiriyay wuxuu arkay in cirkii daruuro qariyeen, sida dabeecadaha is bedbedela ee Minnesota uu ka bartayna dabaysha siday u dhacaysay waxay la ahayd inay dhacayso Leexo weyn (Tornado), wuxuu mararka qaarkood ku haminayay “amuu baraf yimaadaa!…amuu roob yimaadaa!..” waa Minnesota wax kastaaa imaan kara…

Yaaba war isu haya?! Ilmo yar oo rafaaday buu ahaa, laakiin aabihii maxaa haysta? Miyuuba ka war hayaa….aabbihii waxaa uu ku sugnaa xaalad dareenkiisa oo dhan uu kacsanyahay, walaac uu naftiisa haaramayo! “ maxaa igu dhacay maanta? Sidee baan u hilmaamay in ilmaha waaweeyn ay dugsiga (school-ka ) ku haryaan marka fasalladu dhammaadaan oo maanta oo kale uu Max’ed-Ammiin keligiis baska keeni jiray, KHamiisba inay tahay madaxayga way ka baxday! ” gaariga xawaarihiisa ma uusan eegayn inta uu ku socdo, boqol waxyaabood baa madaxiisa ku soo dhacay; wiilkiisii oo la af-duubtay oo la xaday, markaasuu yiri “bal haddee waa hagaagee xagge baa laga heli?!” wiilkiisii oo oynaya oo laamiga iska dhex socda oo inta xaafaddii deriska ahayd ku soo xoontay, madaxa loo salaaxayo, illintii laga tirtirayo oo la waraysanayo, markaasuu yiri “Ciil-badanaa siday u waraysanayaan waxaad moodaysay inay iyaga innaga jecelyihiin ama inooga roonyihiin!” wiilkiisii oo gaari farriin ka qabtay, oo inta wadihii gaariga soo degay gacanta hayo telefoona boliiska u dirayo, markaasuu yiri “waa waxaan waligayba ka baqayay!” willkiisii oo baskii Dugsiga la noqday markii guriga oo cidla ah la arkay “Allow ay celiyaan! Yaaba taas heli kara?!”….

Wuxuu is tusay riyo naxdin lahayd ee uu habeenkii ku riyooday inay uga furantay xaaladda wiilkiisu ku sugnaa, wuxuu meesha iska soo dhigtay inaysan xaaladda wiilkiisa wanaagsanayn! “iska dhaaf riyadii xalay waa iga furantay! Ilaahayow adigaa wax badbaadiya” ayuu ku celceliyay….xawaaraha gaarigiisa lama socon, jidadka calaamadahooda qaar badan buu ku soo xad gudbay inkastoo aan la arag…Saacadduu fiiriyaa “..4daqiiqo ka hor buu dhigay….wallaahay waa yaabanyahay saacaadaan, xataa ma aanan barin wixii uu samayn lahaa haddii ay sidaan oo kale qabsato wixii uu samayn lahaa, ma yaqaan lamabarka graashka laysaga furo! Ma garan karo albaabka inuu furanyahay oo aan u sii diyaariyay, maantoo dhan buu iska garaacayaa!…..Allaah muxuu qaracansanyahay, xataa haddii uu guriga gadaal ka maro oo halkaas isaga ciyaaro!…” intuu sidaas isula hadlayo saacadda ayuu isha ku hayaa…4daqiiqo….5daqiiqo… 6daqiiqo…waqtigu waa socdaa, nalalkii taraafikada is-gooyska kasta casaankaa ku hakinayay….

Max’ed-Ammiin hooyadii oo gabar ilmaha ka mid ah Isbitaal la joogta ayaa iyadana telefoonka aan ka joojin, “Alla anigaa!” mararka qaarkood waxay wacaysay telefoonka guriga oo yaa joogana?!….”Gurigaan iska wacayaa bal haddii uu codka telefonka maqlo oo albaabka uu riixo!…Allah muu albaabka riixo!….” telefoonkaas bay goysaa, markaasay odaygii wacdaa “wali ma gaartay gurigii?! Xaggee maraysaana? Gaallada deriska ahna dad fiican kuma jiraan! Bal adiga tartiibtaada u soco…” iyadoo aan telefoonka ku celcelinaysa marna guriga wacaysa marna wiilka aabihii baa waxaa u timid Kalkaaliso aad u caraysan oo si canaan ah ku tiri “Adigoo iga raali ah calaamadaha derbiga ku dhegan ixtiraam, seel-foonka isbitaalka gudihiisa waa mamnuuc!’’ miyaaba laysu war hayaaba!….

“Albaabka waa furanyahay, garaashka haddii uu lambarkiisa baran lahaa!” waxay istaagtaa daaqadaha isbitaalka waxay fiirisaa cirka si ay u ogaato hawada maanta siday tahay, waa cir-cadaa, dabayl aan xoog badnayn baa dhacaysay, xoogaa qabow ah baa jiray, “..wallaahay qabow baa jira, Allaah aabow dhar dhaxanta ka celinayana maanta looma gelin….waxaase Alle mahaddii ah inuusan maanta wax baraf ah dhacayn!” aad bay uga walwashay, illin baa soo dhaaftay, waxay sawiratay isagoo dhaxamooday oo qabowgii markuu ka batay garka iyo labada low is gashaday, indhuhu ilmadu ka qubanayso, dharkii oo dhan diif isaga haleeyay…way fariisataa, way kacdaa, waxaa ku dheeraaday sugitaankii inay dhaqtarka u gasho, intii ay ogaatay in wiilkeedii yaraa uu gurigii oo cidla ah tagay waxay ku haminaysay inay dhaqtarka isaga soo tagto….

Iyadoo wali talada laba-labaynaysa baa taleefonkeedii gacanta u soo dhacay way fiirisay mise waa ninkeedii “Haa!..ee, een wiilka ma u tagatay?” “Haa laakiin guriga hortiisa baabuurtii boliiskii baa tuuran! Iyo Ambulance-gii oo nalalka u wada daaranyihiin, marka meel gees ah baan taagnahay waan sugayaa ….” buu cod daalan ku yiri, aad bay isugu naxday, waxaa u sawirmay wiilkeedii oo silicsan, wiilkeedii oo sakaraad ah, isla markiina illin waaweyn baa labada dhaban dareertay, gabarteedii yarayd bay gacanta ku soo dhegtay, waxayna bilowday inay isla hadasho si waliba codkeeda la maqlayo “Allaah maxaa ku dhacayna, ma baabuur jug siiyay oo ma dhintay?!” markay intaas tiri bay afkii furatay”…Allaah anigaa dayacayeey!..ma maantuu aniga oo nool hooyo la’an ku dhacday? Ma maantuu aabihii oo jooga agoon noqday!…”soo dhaqaaqday iyadooo af-labadii yeeraysa, “Allaah anigaa! Allaah xaggeen aadaayeey! Allaah…”

Gaarigeedii bay soo gashay, xijaabkeedii bay madax ku duubatay, isteersadii bay madaxa saaratay “FIQ!aah! FUQFIQ! Ufaf! Allaah anigaa dayacayeey!” gabartii yarayd baa sas qaaday oo iyadana afka furatay” Mom! Iinh! Maa! Mom …” iyadoo aad u calool xun oo meel fog ay damqayso oo indhihii casaadeen ayeey soo dhaqaaqday”hih! Haa awal bay inoo marmarsooniyeen! Maxaa i keenay Ameerika?! “ xoogaa marakay socotaba erey calaacal ah baa afkeeda ka soo baxa, si dhaqso ah waxaa madaxeeda ka baxay dhaqtarkii inay ka soo tagtay,”Allaa i lehee maantay cidlo ka heleen! Yaa loo ciirsan?! Allaah jooga, amuu dhintay?!Max’ed maantuu gacantooda galay!…” intay hadlayso talefoonkeeda waa dhacayay malaha uma aysan dhug lahayn,mise inay qabato baysan rabin oo khabar xun inay maqasho ayeey is diidsiinaysay, mise?….”haddaan qareen qabsan lahaa? Imihii..hih!aah!… ma lacagtaas baan haystaana?Allah iga dhaafeey wax kasta oo ku dhacaa annagaa dayacnayee!”…

Iyadoo aan afka isku darin, wajiga oo dhanna ka barartay bay albaabkii aqalka soo hor joogsatay, goormay soo gaartay?! Ma oga… Xaggee bay soo martay?! Ma oga! DHab ahaan way ku adkayd inay ka jawaabto weydiimahaas, waxay is aragtay iyadoo gurigeedii hor taagan, waxay indhaha ku dhufatay guriga irridiisa inay furantahay oo badh ahaan uu afka kala hayo, si bay uga yara naxday, si hanaansan bay u soo fariisatay, isla mar ahaantiina waxaa dhegeheeda ku soo dhacay oohintii gabadhii yarayd oo fuurtay uguna dambaysay inay kursiga ku xirxiraysay marka isbitaalka ka soo baxayeen, oo inta dib u jalleecday iyadoo aan kicin gadaal u laacday madaxana u salaaxday iyadoo aad moodo inay jiraan wax u diidaya inay u kacdo “Hooyo, macaan, ii aamus…” oo mar kale albaakii u soo jeesatay…

Gaarigii kama aysan soo degin, waxay dareemaysay in wax bedelanyihin, mise didsanaan baa ku jirtay?!.. dhinacyada ayey iska fiirfiirisay, wax dhaqaaqa oo nool ma aysan arag, intay madaxa ruxday iyadoo gaariga albaabkiisa iska furaysa “Wallee hadal ma yaal, Max’edna la qaaday odaygiina la waday!” si aad moodo inay wax gaadayso ayeey u soo degetay, iyadoo taagan ayeey mar kale goonyaheeda fiir-fiirisay, markay qof dhaqaaqo weyday ayeey gabarteedii yarayd inta u jilbo jabsatay dhabannada ka shumisay, hasa yeeshee waxaa soo dhaafay oo ay ceshen kari weyday illin aysan iyadu dareemayn oo aan kala joogsanayn, bishimihii baa iska gariiray, jirkii oo dhan baa bilaabay inuu iska dubaaxiyo “Aduun waa midkaas! Hii! Saaka nabad baan ku soo kacnay! “

Iyadoo wali gabdheedii wajiga ka tirtiraysa baa indhaheedu qabteen haweeneey caddaan ah oo ay deris yihiin oo taagan daaqadda aqalkeeda, siday iyadu la ahaydna indhahoodu is qabteen, laakiin ma salaamin lamina hadlin, xataa uma soo gacan haadin! SHaki hor leh, “oo maanta xataa layma salaamayo!.maxaa waxaas iga galayna! War la’aan baa ku haysa dheh, walle war la’aan baa ku haysa dheh!…” iyadoo haweeneydii u naqsanaysa bay gabadheedii gacanta soo qabsatay, una soo dhaqaaqday xaggii aqalka iyadoo saanteedu culustahay, hadday dhowr talaabo soo qaaday waxay maqashay yabaq xagga aqalka ka imaanaysa, way joogsatay oo neefta isku celisay dhegtana laadlaadisay….mise?!.. waa ku soo dhowaatay, oo ku soo dhwaatay, hasa yeeshee waxba waa ka fahmi weyday yabaqdii ay maqashay…

Markay cagta soo saartay xatabaddii irridda ay joogsatay, gabadhii ayeey gadaal marsatay, oo inta is geesinimo m gelisay si qaylo ah tiri “War yaa ku jira aqalka?” wax yarna gadaal u siqatay, waxaase markiiba indhaheedu qabteen madax ninkeedii oo albaabkii balaqaya isagoo dhulka fadhiya, intii aysan wax oraah afkeeda ka soo bixinna waxay aragtay Max’ed-Ammiin oo dhabta aabihii ka soo booday, markaasay inta isku naxday oo inta ku soo booday xambaaratay “Allah hoogi waayayeey waa isagii!! HOOYO! HOOYO! ii waran, maanta maxaa kugu dhacay” gabadheedii bay gacanta soo qabsatay oo gurigii gudaha u soo galeen…. oo inta yaabtay odeygeedii u soo jeesatay “oo aaway boliiskii aad ii sheegtay?” “guriga innaga soo hor jeeda ayaa looga yeearay marka waxay ila noqotay inay gurigeena yimmaadeen oo driska ugu yeereen Max’ed-Ammiin” ayuu yiri. Sidii nin dhintay oo soo nooladay buu wiilkii la noqday, wajigiisay fiir-fiirisay, calooshay gacanta ka saaratay “Allaah maantuu silcay. Ma intii yarayd buu sidaan isu bedelay, ilmo yar aabbe la’aan iyo hooyo la’aan midna kuma fiicna!..bal siduu u ekaaday!”

DHabteeday ku fadhiisisay, oo inta madaxa u salaaxday cabbaar raali gelin u samaysay “HOOYO waan ka xumahay, maanta ma gurigii baa laguu cidleeyay…maalin kalaysan dhici dooninee…” oo hadana odaygeedii weydiisay “oo kaalay gaarigaagii ma arkinee, mise garaashkaad gelisay?” ayeey weydiisay, “Mayee markaan boliska arkay baan meel gees ah iska soo dhigay oo lug baan ku imid si aan isugu ekeysiiyo inaanan meel dheer jirin oo wiilkiisa la joogay…” ayuu isagoo aad daal ugu muuqdo yiri, “Oo adigu goormaad u timidna, ma waqti badan baad ka soo daahday?”bay su’aashay iyadoo wali ku mashquulsan wajiga wiilkeeda,“maya wallaahay, xataa baskii dhigay jidka ayuu iiga hor yimid, laakin waxay igu qaadatay 10daqiiqo, waqti badan ma aha ee…” intay hadlkii ka dhex gashay “ wallaahay 10 daqiiqo oo Minnesota ah waa waqti aad u badan aniga Afrika kuma nooli….” isagoo qoslaaya “laakiin ha ilaawin Afrka kuma noolid waa runtaa, walise adigaa Afrikaan ah….”…iyagoo iska sheekaysanaya ayaa teleefoonkii guriga soo dhacay, labadoodiiba isku mar bay la soo boodeen “Ha qaban!…Ha nagu qaban!..Amuu isbitaalkii aan ka soo cararay yahay?!….amay iskoolkii yihiin?!..daa fariin ha ka tagaan!….” oo maxaa dhacayna?!..maxaa laga cabsaday?…..

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.

alle_yaqaan99@yahoo.co.uk