News

Isimada Puntland oo Soo Saaray Go’aan ay Ka Gaareen Muranka Dekeda Bosaso

Qoraalka isimada oo ka koobnaa afar qodob waxaa ku saxiixnaa Boqor Burhaan Boqor Muuse, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, Beeldaaje Cali Beeldaaje Farax, Suldaan Ciise Maxamed Ciise iyo wakiilka Beeldaajaha, Beeldaaje Yaasin Beeldaaje Cabdullaahi,

Go’aanka ay soo saareen isimada Puntland waxaa shirka ka akhriyay Yaasiin Beeldaaje Cabdullaahi, waxaana uu u qornaa sidatan:

Sidaan wada ognahay waxaa in mudda ah is fahamiwaa ka jiray mashruuca balaarinta dekeda Bosaso kaas oo sababay inuu hakad galay dhaqdhaqaaqii ganacsiga.

Markaan xogwaraysi la yeelanay qaar ka mida madaxda dowladda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Islamarkaanka ay aanu aragnay xaaladaha jira ayaanu ka gaarnay go’aankan soo socda

In laga wada shaqeeyo nabadgelyada, xasiloonida iyo kala damaynta islamarkaana laga fogaado wixii keenaya khilaaf.
In la taageero mashriicda horumarineed wadanku u baahan yahay.
In dowladu soo bandhigto kana qanciso qaybaha bulshada heshiiska ballaarinta dekeda Bosaso.
In lagu dhaqmo tariifada isimmadu soo saareen ee ku meelgaar ah sida ku cad lifaaqa.

Shirka lagu soo bandhigayay go’aanka Isimada waxaa ka qaybgalay Wasiirka Dekeda iyo Gaadiidka badda Puntland, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda, Guddoomiyaha gobolka bari, Duqa degmada Bosaso, Culuma’udiinka, Ganacsatada, aqoonayahanada, Nabadoono iyo qaar ka haweenka ganacsatada ee Bosaso.

Go’aankaan ay isimaddu soo saareen ayaa ku soo beegmaya kadib markii isfahanwaa uu soo kala dhexgalay dawladda puntland iyo ganacsatadda magaaladda Bosaso, kadib markii dekadda bosaso lagu wareejiyey shirkadda Dp World, go’aanka isimadda ayaa ahaa mid aad loogu wada sugayey si xal waara looga gaaro, arintaan,