Magaca Sheekh Cali Suufi sidee ku baxay? Daawo
April 30, 2011 // admin // Articles, Islam, News, VideosSheekh Cali suufi (suufi) awowgiis magacaas magaciisu ma ahayn ee waxay ahayd naynaas aabahay u baxday intuu ardayga ahaa, sababta naynaastaas loo siiyey baan idiin sheegaya Aabahay Alle ha u naxariistee asagaa nooga sheekeeyay.
“Waagaan ardayga ahaa oon xamar joogay xerta & ardayda, arday walba reer ayaa qaadan jiray oo hoygiisa & cunnadiisa & labiskiisaba kafaala qaadi jiray, wuxuu yiri marwalba oo guri la i geeyo mar hadday qof dumara oo gurigaan joogo joogta ishaydu ku dhacdo mar danbe gurigaas kuma soo noqon jirin, dumarka ayaan aad oga xishoon jiray, masaajidkaana isaga soo noqon jiray laba cisho & sadex cisho markaan qado ayaa sheekha loo sheegi jiray, wakhtigaas Sheekh Aadan Cowlyahan ayaa ardayda ka warhayntooda qaabilsanaa, markii dhowr jeeroo kala duwan sheekhu i geeyey dhowr guri mid walbana aan ka soo cararay ayuu maalinkii danbe sheekhu masaajidka salaadda ka dib ka istaagay Aabe markuu sheekadaan noo sheegayo lahjadii reer xamrka ayuu ku sheegi jiray maadaama Sheekh Aadan reer xamar ahaa wuxuuna oran jiray wuxuu sheekhu “Ar yaa loo duceeyaa oo faataxo loo maraa wadaadkoo halkaan oo cali la yiraado suufi waaye hadduus bilcaan guriga ku arko guriguus ku arko ma ku noqonaayo suufi waaye, yaa loo duceynaa oo guri bilcaan joogin geynaa” saasuu yiri marka nin duqaa gacanta taagay “anigaa qaadanaa inigaa gurigeyga geynaayo, gurigayga bilcaan waa joogtaa laakiin ma arkaayo” sidii baa ilaahay iigu nimceeyay ninkaas khayrka badan, markii baa suufi suufi la iga badiyey anigu waan karhay war nimanyahoow iga daaya saasayna naynaastaas ku baxday


