Aas ballaaran oo jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ay u sameeyeen Allaha naxariistee Dr Jimcaale
May 10, 2012 // admin1 // NewsLondon(PV)-Jaaliyada Soomaaliyeed reer UK ayaa aas ballaaran ugu sameeyey waqooyiga magaalada London,Allaha naxariistee wasiirkii dasuurka Puntland Dr Cabdi Xasan Jimcaale oo dhowaan ku geeriyooday magaalada London oo muddo kooban ku xanuunsanaa.
Aaskaan oo aad looga soo qayb galay ayaa waxaa looga yimid daafaha magaalada London iyo weliba gobolada dalka Ingiriiska,waxaana jaaliyadu iyadoon kala har lahayn halkaasi ku aaseen uguna duceeyeen marxuumka,iyadoo aaska ay ay goob joog ka ahaayeen laba wasiir oo ka tirsan maamulka Puntlad iyo weliba wakiilka Puntland ee dalka Ingriiska Prof C/qaadir Faarax Jibriil.
Aaska ayaa laysku xusuusiyey in dunida nin ku waarayaa uusan jirin,qof walbana uu geerida dhedhemin doono ayna muhiim tahay inta aan qof walba xisaabtu aysan u iman uu is xisaabiyo denbiga iyo qabyaalladana layska dhaafo.
Waxa iyana la sheegay inuu ahaa murxuumku nin aad u afgaaban, oo aan dhib badnayn,sidaas oo ay tahay ciddii wax ka tirsanaysaa ay iska cafiso,ciddii wax kale ku sheeganaysaana ay la xiriirto ehelkiisa.
Waxaa loogu duceeyey marxuumka in illahay jannadii fardowsa ugu bishaareeyo,ehelkii iyo qaraabdii uu ka tegayna uu illahay samir iyo iimaan ka siiyo.
Puntlandvoice
