Abwaan Hadraawi oo muujiyay sida uu u jece yahay Minimada Soomaaliweyn
September 28, 2011 // admin // NewsHargeysa(AB);-Abwaanka caanka ah ee Maxamed Warsame Hadraawi ayaa muujiyay sida uu u jecel yahay minimada iyo wadajirka soomaaliweyn isagoo dhawaan Muqdisho soo gaaray markii uu soo keenay gargaar ay shacabka reer Somaliland ugu talo galeen dadka abaartu ku hayso magaalada Muqdisho.
Abwaanka oo ka hadlayay gooni isu taaga Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in isaga uu aad u jecel yahay midnimada Soomaaliya iyo wadajirka guud waxaase uu tilmaamay inay taasi iman karto marka la helo wixii lagu wada joogi lahaa ee dadka mideyn lahaa.
Hadraawi oo wareysi siiyay idaacada Dowlada KMG ah Soomaaliya isagoo hargeysa ku sugan ayaa dhanka kale ka hadlay dareenkiisa wixii ku arkay intii uu muqdisho ku sugnaa waxaana uu xusay inuu si weyn uga naxay ugana damqaday dhibaatada muqdisho ku haysata dadka abaartu saameynta ku yeelatay.
Sidoo kale mar uu ka hadlayay imaanshiyihiisii Muqdisho ayuu sheegay inuu aad uga mahadcelinayo dadka reer Muqdisho sida ay u soo dhaweeyen isaga iyo xubnihi la socday waxaase uu wax laga naxo iyo tiiraanyo ku tilmaamay muuqaalka uu muqdisho ku arkay iyo sida uu ahaan jirey.
“imaanshaheyga Xamar waan ku faraxsanahay marka la eego waqtigii iigu danbeysay waxaase ka naxay sida muuqaalka Magaalada uu noqday”ayuu yiri Abwaan Hadraawi oo dhanka kale garabyada Soomaaliya isku haya ugu baaqay inay nabada ka shaqeeyaan.
Warka Abwaanka ayaa ku soo aadaya xili Ra’iisulwasaare C/weli gaas uu dhawaan sheegay in Somaliland u yaqaaniin Maamul Goboleed Soomaaliyeed sida Puntland oo kale islamarkaana ay dhamaantood soomaali wada yihiin ayna diyaar la yihiin wadahadal kasta oo maamulka Somaliland ay la galayaan.
Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com



