News

Af-hayeen u hadlay Dowlada KMG Soomaaliya oo Jawaab ka baxshay Awaaiirtii Ururka Xisbul Islaam uu dul dhigay Idaacadaha

Muqdisho (AB):-Sarkaal u hadlay Dowlada KMG Soomaaliya ayaa jawaab ka baxshay amar shalay galab ka soo baxay Ururka Xisbul Islaam kaasoo ahaa inaaney Idaacaduhu sii deyn karin heesi iyo muusik wixii hada ka danbeeya.

Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta Dowlada KMG Soomaaliya C/riaaq Qerylow ayaa sheegay in Ururka Xisbul Islaam uu Awaamiirtaasi ku raali gelinayo ururka kale ee Al-shabaab .

"waad ogtihiin Ururka Xisbul Islaam xiligaan maaha mid Milatari ahaan iyo siyaasada ahaan intaba u jira,horey u fashilmeen,iminkana hadalada ka soo reeyaya waa mid lagu raali gelinayo Ururka Alshabaab" ayuu yiri C/risaaq Qeylow

Waxaa uu sidoo kale sheegay Afhayeenku inaaney Dowladu aqbali karin iujeedka dhinacyada ka soo horjeeda Dowlada kaasoo ah inay Baabi’iyaan dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigay .

Dhanka kale ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Idaacadaha Magaalada Muqdisho kuwaasoo laga yaabo inay go’aanmideysan ka qaadan doonaan awaamiirta la dul dhigay oo si weyn saameyn ugu yeelaneysa astaamihii lagu yaqaanay wararkooda iyo Barnaamijyadooda marka la eego miyuusiga.

allburtinle.com

Xafiiska Muqdisho.