News

afar qof ayaa ku dhintay lix kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan kadib qarax ka dhacay garoon kubadda lagu cayaaro

oo ku yaalla gudaha magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Qarax ayaa dhacay xilli cayaar xiiso badan u dhaxaysay labada kooxood Elman iyo SYLoo aad looga taageero Baraawe.

Dadka dhintay waxaa ku jira labo cayaartooy iyo qaar kamid ah taageerayaashii Garoonka.

Ururka Al Shabaab ayaa mas’uuliyadda weerarkaas sheegtay, waxayn barahoda Internet-ka ku faafiyeen inay ku dileen 5 askari oo katirsan ciidamada AMISOM.

Maamulka degmada Baraawe ee dhinaca Amniga ayaa tilmaamay in qaraxa la aasay xilli roobab ay ka da’ayeen magaalada Baraawe, sidaasna keentay in la ogaan waayo.