AFHAYEENKA ALSHABAAB “Xeelad Dagaaal ayaan uga soo baxnay qeybo ka mid ah Baladweyne”
December 31, 2011 // diyeeshe // News
Baladweyne (PV):-Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay dagaalada maanta gobolka Hiiraan ay kula galeen ciidamada Dowlada Itoobiya oo garabsaneysa kuwo soomaali ah waxaana uu sheeegay inaan xoog looga saarin Baladweyne.
Sheekh Abuu Muscab waxaa uu daboolka ka qaaday in ciidamadoodu maanta xeelad dagaal kaga baxeen qeybo badan oo ka tirsan Magaalada Baladweyne isagoo si weyn u beeniyay inay ka wada baxeen magaalada.
”Magaalada kama aanan bixin galbeedka ayaan weli ku suganahay dagaalkana markii uu saacado socday ayaan taatikada badalnay dibuga soo guranay meelihii dagaaladu ka socdeen iyadoo aaney jirin wax rasaas ah oo naga daba dheceysa”ayuu yiri Abuu Muscab oo maanta warbaahinta la hadlayay dagaalada kadib
Afhayeenka mar uu sharaxaya dagaalada saaka sida ay ku bilowdeen iyo tirada ciidamada Itoobiyaanka ku soo dagaal galeen ayuu sheegay in difaacadooda buuraha ah ee ku teedsan baladeyne ay Itoobiyaanku soo weerareen halkaasina ay ilaa sedexjeer dib isaga riixeen balse markii danbe ay xeelad uga baxeen sida uu sheegay dagaalkii socday.
Ciidamada Itoobiya ayuu sheegay inay ahaayeen ilaa 3000 askari kuwaasoo watay in ka badan 40 baabuurta Uuraalaada loo yaqaan iyo 2 taangi kuwaasoo saaka ka qeybqaadanayay dagaalkii ka dhacay duleedka Baladweyne.
Xaalada Baladweyne ayaa galabta degan mana jiraan wax dagaalo ah oo laga soo sheegayo xili maanta duleedka iyo gudaha Magaaladaasi ay ka dheceen dagaalo xoogan oo u dhexeeay Alshabaab iyo Itoobiya oo garabsaneysay ciidamo Soomaali ah.
Xafiiska Muqdisho
puntlandvoice.com



