Afhayeenka Ciidamada Burindi oo sheegay inay ka war heleen weerar askartooda lala maagan yahay.
February 28, 2011 // admin // News
Muqdisho(AB):-Afhayeenka ciidamada Dalka Burindi ee ku sugan Muqdisho ayaa warbaahinta qaar u sheegay inay ka war heleen weerar kaga soo beegan dhanka Xarakatu shabaabul Mujaahidiin gaar ahaan fariisimaaha ciidamada Burindi ay ku leeyihiin Muqdisho gaar ahaan agaga hore.
Afhayeenka oo ka hadlayay dagaaladii ugu danbeeyay ayaa sheegay in laga dilay ilaa 7 askari inkastoo Xarakada Alshabaab ay soo bandhigeen ilaa 18 askari oo mid noolaa markii dhaawac ahaan ay ku soo qabteen,sidoo kale wuxuu sheegay inay ciidamo badan ka dileen alshabaab kuwaasoo ay ku jireen dagaalyahno alqaacida ka tirsan sida uu sheegay.
Sarkaalka u hadlay Ciidamada Burinid wuxuu sheegay inay maqleen hanjabaadaha Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay u jeediyeen Caasimada Dalka Burinid ee Bujunbuura wuxuuna ugu baaqay Xarakada Alshabaab inay ciidamadooda muqdisho jooga la dagaalaan hadii ay rabaan inay Burindi laayaan waa sida uu warka u dhigay afhayeenka.
“bujunbuura maxay ka doonayaan anagaaga xamar ku sugan may anaga nala dagaalaan”ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Burindi
7-da askari ee uu qirtay afhayeenka inay dagaaladii danbe uga dhinteen ayuu sheegay mid ka mid ah inuu saacidfhii u danbeeyay ku dhintay dagaalo ka dhacay Muqdisho.
Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com


