Afhayeenka Dowlada Itoobiya oo sheegay in ciidamada dalkaasi si buuxda ula wareegeen Baladweyne
December 31, 2011 // diyeeshe // NewsAdis-ababa(PV):-Dowlada Itoobiya oo sanadahaan danbe aan looga baran inay sheegato dagaalo ciidamadooda ka galaan gudaha Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay waxaa ay sheegatay inay maanta ciidamadoodu qabsadeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Afhayeenka dowladda Itoobiya Bereket Simon ayaa maanta si cad ugu sheegay warbaahinta in ciidamadoodu maanta weerar ku qaadeen Magaalada Baladwene islamarkaana si buuxda gacanta ugu dhigeen magaaladaasi oo hore a u joogeen ciidamada Xarakada Islaamiga ah ee Alshabaab.
“ciidamadeen ayaa hada gacanta ku haya magaaladaasi Baladweyne waxayna dagaal kaga saareen kuwa alshabaab ee halkaasi ka talinayay”ayuu yiri Bereket Simon
Bereket Simon waxaa uu intaasi ku daray in ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah Soomaaliya ay la socdeen kuwa Itoobiyaanka,sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday khasaare uu sheegay inay gaarsiiyeen ciidamada Alshabaab ee dagaalku kala dhexeeyay.
“dhankeena waxaana cadeyneynaa inuu jiro khasaare soo gaaray ciidamadeena balse sidaa uma badna”ayuu mar kale yiri Bereket Simon
Waa markii ugu horeysay oo Dowlada Itoobiya sheegato inay qeyb ka tahay dagaalo ka dhacay gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolka Hiiraan tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay Soomaaliya ka baxeen bartamihii bishii janaayo sanadkii 2009-kii iyadoo looga bartay Itoobiyaanka inay inkiraan ciidamo kuwoodaa inay xadka ka talaabeen.
Xafiiska Muqdisho
puntlandvoice.com



