News

Afhayeenka Puntland oo sheegay in burcad badeeda la soo qabtay la maxkamadeyn doono+SAWIRO

Garoowe (AB):-Afhayeenka Dowlada Puntlnd Axmed Cumar Xirsi ayaa saxaafada u sheegay in dhawaan maxkamad la soo taagi doono kooxo burcad badeed ah oo ciidamada Puntland soo qabqabteen.

Ciidamada oo shalay la soo gaarsiiyay Magaalada Garoowe ayuu afhayeenku sheegay in lagu soo qabtay howlgalo ay sameeyeen ciidamada Badda ee burcad badeeda la dagaalama.

Afhayeenka waxaa uu intaasi ku tahay tirada hada la hayo ee kooxaha burcad badeeda loo yaqaan ay gaareyso 9ruux kuwaasoo dhamaantood lagu hayo xabsi ku yaal Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Inkastoo afhayeenku sheegin waqtiga la maxkamadeyn doono ayuu hadana warbaahinta u xaqiijiyay in burcadaasi la hayo maxkamadna la soo taagi doono.

Kooxaha burcad badeeda oo laga soo qabtay xeebaha Eyl ayaa sitay2 doonyood oo ah ku dheereeya, 6 qoryaha fudfudud ah, 1 toorabiin, 1 taleefoonk nooca satalite ka ah, 2 jaranjaro, iyo haamo shiidaal.

Xafiiska Garoowe
allburtinle.com
allburtinle@hotmail.com