Afhayeenka Xarakada Alshabaab oo Maanta sheegay in shirarkii ka dhacay New York iyo Madrid uu ku soo dhamaaday Fashil.
September 30, 2010 // admin // NewsMuqdisho (AB):-Sheekh Cali Maxamuud Raage (dheere) oo ah Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa maanta warbaahinta shir uu qabtay kaga hadalay shirkii qaramada Midoobey iyo kii ICG-da ee Madrid ka dhacay.
guud ahaan shirarkaasi oo madaxweyne shariif uu ka qeybgalay ayuu sheekh Cali dheere sheegay inuu fashil ku soo dhamaaday.
labada shir ayuu sheegay Sheekhu inay ka soo baxeen dibin daabyo iyo shirqoolo loo maleegayo Muslimiinta Soomaaliyeed.
“Soomaaliya waxay noqotay meelaha caalamka ugu fiican amniga iyo wax soo saarka sidaa daraadeed ayay gaaladu daa’iman waxay ka shaqeeyaan dhibaateynta Muslim,iinta Soomaaliya.” ayuu yiri Sheekh Cali dheere
Sidoo kale Sheekh Cali waxaa uu sheegay in shirkii danbe ee madrid aan xitaa lagu soo hadal qaadin dhibaatada shacabka u dhaceysa .
Mar uu ka hadayay Afhayeenku go’aankii Mareykanka ee ahaa inay hada kadib taageeri doonaan Maamulada Puntland iyo Somaliland ayuu sheegay inay arintaasi cadeyn u tahay sida Dowlada KMG ay ugu fashilantay wixii loo soo sameeyay markeedii hore.
“kooxda rida markii ay ku fashilmee inay qabtaan wixii markii hore loo soo dhoodhoobay ayay hadana gaalada u badasheen inay maalgeliyaan kuwa dowlad goboleedada sheegta” ayuu yiri Sheekh Cali dheere
ugu danbeyn Sheekh Cali dheere waxaa uu ka dhawaajiyay in qof kasta maciin bida gaalada sida uu warka u dhigay uu ku danbeyn doono fashilkaani oo kale.
Warka Sheekh cali ayaa ku soo aadaya xili shirkii qaramada Midoobey Dowlada loo muujiyay inay lacago badan lunsadeen islamarkaana wixii dhaqaale la siiyo ay madaxdu musuq maasuqaan.
allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho


