Agaasimaha Shirkadda Golis Telecom oo Xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtey Dalka India
May 26, 2012 // diyeeshe // NewsHyderabad(PV):-Ardeyda Hyderabad Ee Dalka Hindiya ayaa xaflad soo dhaweyn ah waxaa ay u sameeyeen Agaasimaha Shirkadda Golis Telecom Aaden Sheekh Doon Cali ee Puntland ka jirta kadib safar uu dalka India ku tagay.
Kulanka labada dhinac iyo xafaldaba waxaa ay ka dhacday Crystal Hotel ee Hyderabad India taariikhdu markay ahayd, May,24.2012 waxaana laga dhageystay agaasimaha warbixin uu ardeyda ka siinayay xaalada guud ahaan dalka halka ay wax marayaan gaar ahaan dhanka horumarka iyo waxbarashada .
Xaflada waxaa soo qaban qaabiyay ardayda reer Puntland ee wax kabarata Hyderabad India, waxayna ku soo dhawaynayeen Aaden sheekh-doon maareeyaha guud ee shirkada Golis kuwaasoo sameeyay munaasabad aad loo soo agaasimay.
Wararka xaflada ayaa intaasi ku daraya in ujeedku ahaa is xog wareysi, waxaana halkaas ka hadlay arday kala duwan kana waramay waxbarashada iyo sida ardaydu uga faa’iidaystaan,sidoo kale agaasimaha ayaa ka hadlay.
Agaasimaha Golis Telcom Aaden Sheekh Doon Cali waxaa uu ardeyda kaga warbixiyay wax yaalihii wadanka kajiray sida amniga, waxbarashada iyo fursadaha shaqo ee wadanka kajira isagoo timaamay xaaladihii ugu danbeeyay.
Agaasimaha Aaden Sheekh Doon safar shaqo ah ku joogay mudo todobaad ah India ayaa markii uu tagayay waxaa si heer sare ah ugu soo dhaween ardayda reer Puntland ee wax kabarata India.
Xafiiska Muqdisho
puntlandvoice.com
