News

Agaasimaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Mahamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa toddobadkan booqasho ku tagay degmada Lowya-cadde

Agaasimaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Mahamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa toddobadkan booqasho ku tagay degmada ku taalla xadka Jabuuti iyo Soomaaliya ee , sida ay baahisay Jimcaha maanta wakaaladda wararka dowladda u faafisa ee SONNA.

Koofi, waa sarkaalkii ugu horreeyay oo isagoo xil sare ka haya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya booqasho ku taga deegaanka , waxaana warbixinta ay baahisay wakaaladda SONNA lugu sheegay Koofi inuu kula kulmay deegaanka madax ka tirsan waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Jabuuti, iyagoo ka wada sheekeystay xaaladda socdaalka labada dhinac iyo sidii laysaga kaashan lahaa haddey jiraan caqabado ka taagan xadka.