Islam

AKHRISO: Qaramada Midoobay oo Shaacisay in kabadan 10,000 Ay ku Barakaceen Colaada Gal-kacyo

Warbixin kasoo baxday  Qaramada Midoobay   ayaa lagu shaaciyay in kumaam kun ee shacab ah ay ku barakaceen colaada ka jirta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee u dhaxaysa maamulada Puntland iyo Galmudug.

Tiro lagu qiyaasay 10,000 oo qof , oo shacab ah ayaa  la shaaciyay in ay ka barakaceen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo maalmihii aynu soo dhaafnay ay ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dadka colaada ku barakacay oo u badan dad dan yar ah ay degeen duleedka magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug  iyo deegaano kale, waxa ayna dadkan hoy ka dhigteen Cooshado, waxaana lasoo sheegayaa in ay heesato xaalado adag oo dhanka nolosha.

Halkan ka Aqriso Warbixinta Qaramada Midoobay ka soo Baxday