News

Akhriso Qaytii 1’aad Mirihii isku Tashiga Dawladda Puntland 2017

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa si toos ah u daahfuray Mashruuca Lagu dhisayo Airporka magaaladda Boosaaso. Munaasabadii lagu furayey Mashruucan ayaa,waxaa ka qeybgalay Xubno ka kala socday Saddexda Golle ee Dawladda,Issimo,Waxgarad,Haween ,Culuma’udiin,Saraakiil ka socotay dhanka qanadaraasyada Talyaaniga ”UNOPS”maamulka degmada,gobolka iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka Jeediyey Munaasabada ayaa sheegay in mashruucan Airporka Boosaaso soo maray marxalado kala duwan maantana la joogo mira-dhalkiisii.Mudane Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa tilmaamay in dhameystirka Airporku noqon doono mid ka dhaxeeya Ummada Soomaaliyeed oo idil.
Wuxuu Madaxweynuhu si toos ah ugu dhawaaqay in Qandaraaska dhismaha Airporka la siiyey Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha isla markaana ah mida dhistay Jidadka u dhaxeeya Tanzaniya iyo Zambiya. “Waxanu siinay Mashruucaan Shirkad laga leeyahay wadanka Shiinaha oo lagu magacaabo China Civil Engineering Constraction Corporation (CCECC),waa Kambani aad u weyn, waana kambanigii dhisay jidka xadiidka ah ee u dhaxeeya Tanzaaniya iyo Zaambiya……”’ayuu yiri Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Shirkadda China Civil Engineering Constraction Corporation (CCECC) qaabka lagu doortay mar uu ka hadlaayey ayuu sheegay iney yihiin kuwa ka kharash yaraa shirkadihii tartanka ku jiray isla markaana ay yihiin shirkad waxqabadkeeda lasoo arkay.

“Sababta aanu u dooranay waxay ahayd lacagta loogu talagalay Garoonka Cida ugu dhow ee sheegatay ayuu Kambanigu ahaa,Dowlada iyo shacabka Puntland lacag yar ayaa kaga soo aadaysa oo mashruuca lagu kaabayo, “Masuuliyiinta kambaniga ninka ugu sareeyana waxa uu ii sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay Puntland u imaan lahaayen anagana jecel in ay noo yimaadan,oo dalka yimaadan isalamarkaana ay maalgashadan lagana shaqeeyo nabadgalyadoo, Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha Airporka Boosaaso lagu dhameynayo muddo dhan 10-bilood ama ku dhawaad hal sano taasoo ay xigi doonaan markaas Airporada kale ee Puntland.