News

Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisimo ciidamada dowladda Soomaaliya ku lahaayeen deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya, waxaana la sheegayaa in kooxdaas ay la wareegtay deegaankaas oo isku xira labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Khadka is-gaarsiinta ayaa hawada ka maqan, waxaana weerarku dhacay galabta goor gaaban.

Shabaab ayaa sheegatay inay gacanta ku hayso maamulka deegaankaas iyadoo ilaa hadda wax war ah kasoo bixin dhinaca dowladda.