Articles, Dhacdooyinka Puntland, News

Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo geeriyooday (taariikhdiisa oo kooban)

Dubai (PV):-Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa saaka ku geeriyooday Dalka Imaaraadka Carabta halkaasoo howlo caafimaad loo geeyay dhawaan.

Col.C/laahi Yuusuf ayaa u geeryoodey xanuun uu waqtiyadaan danbe qabay taasoo ugu danbeyn saaka uu ugu geeriyooday isbitaal ku yaal Magaalada Dubai ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta.

Alle ha u naxariistee waxaa lagu wadaa in Marxuumka in lagu aaso gudaha Dalka Soomaaliya maalmaha soo socda inshaa Allaah.

Guud ahaan madaxda Soomaaliyeed ee Dowlada KMG ah Soomaaliya iyo kuwa Puntland ayaa tacsi hawada u mariyay ehalada Maaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.

Korneelka geeriyooday ayaa taariikh fog ku leh dalka Soomaaliya isagoo siyaasada ku soo jirey in ka badan 40 sano islamarkaana madaxweyne dalka ka ahaa ilaa 4 sano waxaana uu xukunka qabtay 2004 ilaa 2008-dii dhamaadkeedii ayuuna xukunka hayay .

Marxuum Cabdullaahi Yusuf Axmed oo 78 jir ahaa ayaa siyaasadda Soomaaliya ka soo qaatey door muhim ah, isaga oo mar ahaa Sarkaal ka tirsan ciidanka Soomaaliya, Marxuumka ayaa sidoo kale caan ku ahaa ka hor imaanshihii Taliskii Mileteriga ee afgenbiga kula wareegay dalka Soomaaliya 1969-kii, isaga oo wax ka asaasey Jamhadii u horeysey ee hubeysneyd (SSDF) isla markaana noqdey hoggaanka Jamhadda.

Cabdullaahi Yusuf ayaa sidoo kale noqdey Madaxweynihii u horeeyey ee maamulka Puntland kaas oo ay ku bahoobeen gobolo ay wada degaan dad isir wadaag ah. Waayihii siyaasadda ee Cabdullaahi Yusuf ayaa ku soo afmeerey in uu noqdo Madaxweynaha dalka Soomaaliya, waxaana madaxweyne loo doortey taariikhdu markey ahayd 10.10.2004, Ugu danbeytii Cabdullaahi Yusuf ayaa noqdey Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya oo xilka iska casila kadib markii caqabado uu ku sheegey hagardaamo ay la soo gudboonaatey dawladiisi, waxaana uu siyaasadda ka fariistey 29.12.2008.

Marxuum Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa markii uu ka baxay siyaasadda Soomaaliya ku noolaa dalka Yemen, waxaana uu halkaas ku qorey buug caan baxay oo uu kaga hadlaaya Taariikhdiisi nololeed iyo waayihii siyaasadda waxaana uu buugaas ugu magacdaray Halgan & Hagardaamo.

Kadib qalalaasihii siyaasadeed ee Dalka Yemen waxaa Cabdullaahi Yusuf Axmed u wareegey dalka Isutaga Imaaraadka carabta halkaas oo ku noolaa isaga oo xanuunsan. Sanadkii 1996-dii ayaa xanuun la soo gudboonaadey Cabdullaahi Yusuf waxaana lagu guuleystey qalniin looga beddeley Beerka, inkasta oo marxuumku baaritaano joogto ku qaadan jirey Ingriiska ayuu haddana ku caashey caafimaad ballaaran tan iyo waagaas.

 Xafiiska Muqdisho
Puntlandvoice.com

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF OO KOOBAN

Alle ha u naxariistee Madaxweynihihii hore ee Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Gaalkacyo bishii December sanadkii 1934.

Markii uu waxbarashadiisa dugsiga dhexe iyo sare ku dhamaystay soomaaliya wuxuu galay kuliyada sharciga ciidamada, markaas kadib ayaa laba sano oo waxbarasho gaaban ah loogu diray talyaaniga sanadkii 1954-1956.

Sanadkii 1957 dii ayaa loo magacaabay ku xigeenka taliyaha booliiska ee gobolka Benaadir, isagoo jagadaas hayay mudo sanad ah. jagadiisii labaad waxaa 1958 kii uu noqday taliyaha qaybta booliiska ee gobolada Jubooyinka

1960 bilawgiisii ayaa sanad waxbarasho militery ah loogu diray talyaaniga. Markii uu talyaaniga kasoo laabtay ayuu qabtay jagadii ugu horaysay ee militariga isagoo noqday taliyaha policemilitaryga ee qaybta 26 aad ee fadhigeedu ahaa gobolada Woqooyiga soomaaliya.

Sanadkii 1964-tii ayaa loo Dalacsiiyay darajada Gaashaanle dhexe “Lieutenant Colonel” waxaa uuna isla markaasi u soo gudbay maamulka dhexe ee wasaarada gaashaandhiga soomaaliya.

Markale ayaa waxbarasho loogu diray dalka Ruushka (midawga soviet) isagoo galay kuliyadda dagaalka ee militariga (Military war college) sanadkii 1965-66.

Markii uu halkaas ka soo noqdayna waxaa laga dhigay taliyaha hogaanka tababarka ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed biishii may ee sanadkii 1968dii.

Markale ayaa lagu celiyay gobolada woqooyiga soomaaliya sanadkii 1969kii isagoo halkaas looga dhigay abbaanduulaha ciidankii looyaqaanay “ciiidanka koobaad” ee fadhigooda woqooyiga soomaaliya.

Waxaa maalmihii curashada kacaanka sanadkii 1969kii loo taxaabay xabsiga asagoo lagu eedeeyey in uu ka caga jiidayey kanaackii uu hogaaminayey Siyaad Barre. waxaana uu xidhnaa muddo lix-sano ah iyadoo la soo daayay sanadkii 1975tii. Maxamed siyaad barre oo madaxa u salaaxaaya ayaa waxaa uu ka dhigay taliyaha hogaanka gaadiidka iyo dayactirka ee xoogga dalka sanadadii 1975-1977dii.

Dagaalkii xoraynta ee soomaalida Galbeed ayaa waxaa loo magacaabay in uu hogaamiyo ciidamada Dagaalka, wuxuuna noqday taliyaha qaybtii kadagaalamaysay koonfur Galbeed soomaaliya, wuxuuna ciidamadii itoobiyaanka cabdulaahi kaga adkaaday dhankaas isagoo ka qabtay dhamaan aaggii isaga ku aadanaa,illaa uu gaadhay magaala madaxda gobolka Nagaylle1978dii.

Sannadkii 1978 waxaa dhacay inqilaabka loo yaqaan ‘Inqilaabkii dhicisoobey’, Waxa uu u galay dalka Itoobiya.

Bishii September 1978dii ayuu asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya (SSF).

Sannadkii 1985 ayuu Mingiste Xayle maryama xabsi ay leeyihiin ciidamadu oo kuyaal Itoobiya u taxaabay C/llaahi Yusuf. Lix-sano oo kale ayuu xirnaa, wuxuuna xabsigii Itoobiya ka soo baxay 1991 kadib markii uu dhacay maamulkii Mengistu, xilligaas oo dawladii Soomaaliyana ay dhacday.

Cabdulaahi Yuusuf Axmad waxaa uu leeyahay afar caruur ah, waxayna ku noolyihiin dalka Canada, waana Laba wiil iyo Laba Gabdhood.

C/laahi Yuusuf Axmed ayaa taariikhdu markii ay ahayd October 10, 2004 ayuu C/Laahi Yuusuf noqday madaxweynaha KMG ee Dawlada ee Soomaaliya. Jagaas oo uu muddo ku taamayey in uu gaaro. Waxan uu dhawr jeer intii uu shirka Kenya socdey ku celceliyey in uu asagu bilaabay dhibka.

Maanta oo ay Taariikhdu ku began tahay 23 March 2012 ayuu geeriyooday Alle ha u naxariistee C/laahi Yuusuf Axmed.