digg icon delicious icon

Amiirka Alshabaab oo ka digay abaabulo uu sheegay in laga wado dalka Jabuuti

December 31, 2010   //     //   News

Cajalad maqal ah oo saadaaxafada uu soo gaarsiiyay Amiirka ugu sareeya Xarakatu shabaabul Mujaahidiin ayuu kaga digay abaabulo uu sheegay in laga wado dalka Jabuuti.

Sh.C/raxmaan Mukhtaar Abuu Zubeer waxaa uu daboolka ka qaaday in dalka Jabuut ay ka socdaan abaabulo dagaal oo ka dhan shacabka reer Muqdisho iyo xarakada al-shabaab .

“abaabuladaasi waxaa wada shirkado shisheeye waxayna weerar ku soo yihiin ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo nabadgelyada ka jirta dhulka mujaahidiinta” ayuu yiri Abuu Zubeer

Sidoo kale waxaa uu ka dhawaajiyay in Jabuu laga wado abaabulo lagu soo kicinayo hogaamiye kooxeedyadii dhiigmiiratada ahaa sida uu sheegay amiirka u sareeya Alshabaab

Waxaa kale uu ka hadlay midnimada ay gaareen iyaga iyo Xisbul Islaam waxaana uu sheegay inay tahay guul islaamka dhamaan u soo hooyatay.
 

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com

Readers Comments (0)