digg icon delicious icon

Amiirka Xarakada Alshabaab oo sheegay in dhaqaalaha abaaraha loo urursho la doonayo in lagu taageero askarta Midowga Afrika

August 31, 2011   //     //   News

Muqdisho (AB):-Amiirka Xarakada Alshabaab sh.Mukhtaar C/raxmaan C/laahi (Abuu Zubeer) ayaa soo saaray cod maqal ah kaasoo uu kaga hadlayay munaasabada ciida darteed isagoo meelo kala duwana ka hadlay.

Abuur Zubeer waxaa uu sheega in qaab dagaalkii Muqdisho ay u badaleen si ay gabi ahaanba u baaba;shaan ciidamada dowlada iyo kuwa Midowga Afrika.

“qidad dagaal ee aan badalnay waxaa ay bilow u tahay baaba’a ciidamada naga soo horjeeda”ayuu yiri Abuu Zubeer oo ku celceliyay in guusha ay islaamka lahaan doonaan.

Mas’uulkaani waxaa kale uu sheegay in ciidamada alshabaab uu farayo sidii ay sabir iyo adkeysi ula imaan lahaayeen,islamarkaana mar xalad kasta wajahaan.

Abaaraha Soomaaliya ka jira iyo gurmadka beesha caalamka ugu jirto dad soomaaliyeed ayuu Amiirku sheegay in dhaqaale raadin ay tahay si loogu taageero ciidamada midowga Afrika.

Sidoo kale Soomaalida ayuu ugu baaqay inay dhexdooda is gacan qabtaan ayna qotaan ceelal iyo baraakado marka la eego meelaha abaaruhu ka jiraan.

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com

Readers Comments (0)