Amisom iyo Dowlada KMG ah oo ka wada haday furitaanka wadooyinka suuqa bakaaraha
March 31, 2011 // admin // NewsMuqdisho (AB):-Kulan ku saabsan sidii wado loogu furi lahaa suuqa bakaaraha ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo dhexmaray wasiir dowlada KMG ah ka tirsan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo taliyaha Ciidamada Amisom.
Kulanka kadib waxaa saxaafada la hadlay afhayeenka amisom Barijiye Bahuko kaasoo ku celiyay in wadooyinka aysan u xirneyn amisom balse ay u xiran tahay xarakada Alshabaab.
Isagoo faahfaahinayay sababta alshabaab uga danbeyso xirnaanshiyaha ayaa daboolka ka qaaday inay wadooyinkii galayay suuqa bakaaraha burburiyeen loogana baahan yahay inay dayac tir ku sameeyaan kana qaadaan ciidamada.
Afhayeenka oo u muuqday inuu shuruud ku xirayo xirnaanshiyaha wadooyinka Bakaaraha ayaa sheegay in marka hore laga rabo alshabaab inay ciidamada kala baxaan wadooyinkaasi islamarkaana dib u dhis ku sameeyaan wadoooyin uu sheegay inay burburiyeen.
Warka afhayeenka oo u muuqday mid jees jees ah ayaa laga dhadhasan karay in amisom wali diyaar u ahayn furitaanka wadooyinka gala suuqa bakaaraha,sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay Ciidamada Xarakada Alshabaab inay rasaas la beegsadaan dadka isticmaala wadada yar ee lugta lagu maro taasoo ah tookiyada howlwadaag.
Dhanka kale ma jirin wax war ah oo ka soo baxay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Dowlada KMG ah Soomaaliya iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulanka ka qeybgalay inkastoo lagu wado inay warbaahinta war ka siiyaan waxa shirkaasi ka soo baxay .
Xafiiska Muqdisho
allburtinle.co



