digg icon delicious icon

Amisom oo sheegtay in Afgooye ay tahay magaalada labaad ee muhiimka ah Alshabaab

May 26, 2012   //     //   News

Muqdisho(PV):-Afhayeenka Askarta Midowga Afrika ama amisom ee muqdisho ku sugan Paddy Ankduna ayaa ka hadlay qabsashadii ay shalay qabsadeen Degmada Afgooye waxaana uu sheegay in magaalada afgooye tahay meel iistaraatiiji u ahayd alshabaab.

Paddy Ankduna waxaa uu carabka ku dhuftay in alshabaab ay afgooye u ahayd magaalada labaad ee muhiimka u ahayd marka la eego magaalada koowaad oo Kismaayo ah waxaana uu tilmaamay inaysan alshabaab ka sooo waaqsan doonin afgooye.

“Afgooye waa degmo Istiraatiiji ah oo Muqdisho kaga beegan 30-KM dhanka koofureed,alshabaabna waxay ka dhigan tahay inay waayeen magaalo muhiim ah”ayuu yiri Paddy Ankduna

Mar uu ka hadlayay dhankooda muhiimada ay u leedahay Degmada Afgooye ayuu sheegay inay labo muhiimad leedahay Afgooye waa tan koowaade waxaa uu tilmaamay inay muhiim u tahay dhanka milateriga istaraatiiji ahaan maarkla la eego howlgalada ay Soomaaliya ka wadaan mida kale wxaa uu xusay inay dhanka gargaarka muhiim weyn u tahay magaaladaasi dadka barakacayaasha ah ee kumanaanka ku ah ee ku dhaqan duleedka Muqdisho.

“400-kun barakacayaal ah ayaa fursad u heli doona gar gaarka bani’aadanimo, kuwaasoo Al-Shabaab la heysatayaal u ahaa”ayuu yiri Paddy Ankduna

Sidoo kale Paddy Acunda oo la hadlayay Idaacada BBC-da waxaa uu carabka ku dhuftay in magaaladu tahay mid kheyraad leh marka la eego beeraha isagoo sidoo kale xusay inay tahay magaalo buuq islamarkaana ay Amniga guud xaqiijin doonaan.

Xafiiska Muqdisho

Readers Comments (0)