News

AMISOM ” waxba kama jiraan inaan madaafiic ku duqeynay shacabka Magaalada Marka

Taliska Amisom ayaa ka hadlay dhibaato ciidamadoodu ka wadeen maalmihii ugu danbeeyay magaalada Marka ee xarunta Gobolka shabeelaha hoose halkaasoo ay guryo shacab degan yihiin ku duqeeyeen.

Sarkaal u hadlay ciidamada Midowga Afrika ee magaca amisom ku jooga Magaalada Muqdisho ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray in ciidamadooda marka ku sugan ay shacabka madaafiic ku duqeeyeen sida warbaahintaSoomaalidu aad u tebisay.

Wenyotta Motennde oo ah ku simaha Madaxa Taliska AMISOM ayaa warbaahinta u sheegay inay Soomaaliya u joogaan caawinta dadka Soomaaliyeed balse aysan u joogin dhibaateyntooda.

“anaga waxaan u joognaa inaan caawino Dowlada Soomaaliya gaar ahaana aan ka caawino nabad ku soo dabaalida dalka soomaaliya guud ahaan iyo ka saarista dalka ee alshabaab”ayuu yiri Wenyotta Motennde
Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Col Xumud oo wareysi siiyay Al Jazeera ayaa isna beeniyay inay duqeymo ka gaysteen magaalada Marka xili dadka deegaanku xaqiijiyeen arintaasi.

Warka saraakiishaan ka soo baxay ayaa ku soo aadaya xili maalmo ka hor ciidamda AMISOM ee ku sugan Magaalada Marka la sheegay inay duqeyn madaafiic ka fuliyeen xaafado magaaladaasi ka mid ah islamarkaana taasi keentay in shacabku dibad baxyo dhigaan kaasoo ay kaga soo horjedeeen hab dhaqanka ciidamada Amisom.