digg icon delicious icon

Aqoon is weydaarsi la xiriira baahinta dastuurka cusub ee puntland oo lagu qabtey Mudug iyo Nugaal

December 31, 2010   //     //   News

Aqoon is weydaarsigaan oo ay wada fulinayaan hay’adda wadaniga ah ee kaalo , jaamacada psu iyo xafiiska wasiiru dowlaha Dimuqraadiyada ,dastuurka iyo arimaha federaalka dowlada puntland Ayaa waxaa lagu qabtey degmooyinka kala ah Dangoranyo , eyl, godobjiraan, jariiban, burtinle , xarfo , bacaadweyn iyo galdogob.

Macalimiinta bixineysa ayaa si fiican dadka ugu sharaxayay dastuurkauna sheegayey dhamaan meelaha ay tageen iney kadoodaan Dadka degmooyinkaan iyo macalimiinta bixineysay ayaa si weyn iskulalafo gurey ahmiyada dastuurka qodob qodob iyadoo dadkunakadhiibanayeen afkaarahooda

waxaana kaqeyb galayey degmo kasta dad gaaraya 50 qof kuwaasoo iskugujira qeybaha kala duwan ee bulshada

Dhammaan dadweynaha kaqeyb galay doodahaan ayaa umahad celiyeymacalimiinta iyo dadkii soo qaban qaabiyey iyadoo degmo kastana loo qeybiyey nuqulo kamid ah qoraalka dastuurka cusub ee puntland
Rooble axmed daahir oo kamid ahaa macalimiintii wax kabixineysey
siminaaradaan oo shabakada wararka allburtinle.com wax kaweydiisey ahmiyada aqoon is weydaarsigaan ayaa sheegay in ahmiyada koowaadi tahey in dadka lagaarsiiyo dastuurkooda cusub iyo iney kadoodaan soona celiyaan waxii ay u arkaan in wax laga badalo iyo waxa loo arko muhiimin lagu daro iyagoo kaduulaya danahooda una gudbin doonaan afkaarahooda

Dhawaan ayaa barlamaanka puntland meel mariyeen dastuurkaan iyadoo lafilayo dhawaan in afti loo qaado.

Mursal max’ud osman
allburtinle.com
 

Readers Comments (0)