Ardeyda wax ka barata Magaalada Boosaaso oo deeq waxbarasho ka helay Soomaalida ku dhaqan Australia +Sawiro
November 27, 2011 // admin // News


Boosaaso (AB):-Qaar ka mid ah ardeyda wax ka barata Magaalada Boosaaso ayaa deeq waxbarasho oo dalka gudihiisa waxaa ay ka heleen gudiga waxbarashada ee dalka Australia ee Soomaalida gaar ahaan reer Puntland.
Deeqdaani waxbarasho waxaa loogu talo galay inay ka faa’iideystaan ilaa 300 ardey waxaana wakiil ka ah gudigaasi Cabdiweli Cabdiqaadir Xirsi Carab waxaana loo xilsaaray inuu deeqdaasi bixiyo Guddoomiyaha NGO-ga Somali Vision Devolopment Organisation kaasoo lagu magacaabo Liibaan Maxamed Axmed (Macawisle).
Macawisle oo ka hadlayay munaasabad oo sameeyay soo bandhiga deeqdaasi waxbarasho ayaa sheegay ardeydab nasiibka u yeelata deeqdaasi dalka gudihiisa wax lagu bari doono balse aan loo qaadeyn dalka dibadiisa.
“waxaa deeqda na soo gaarsiiyay GuddigaWaxbarashada Soomaaliyeed ee dalka Australia ee Soomaaliya Australian Cummunity waxaana rajeyneynaa in ardeyda Boosaaso ka faa’iideysan doonaan”ayuu yiri Liibaan Maxamed Axmed (Macawisle)
Wakiilka deeqda waxbarasho uga wakiilka ah gudiga waxbarasho ee Soomaalida Austaralia Ninka lagu magacaabo Cabdiweli Cabdiqaadir Xirsi Carab ayaa isna sheegay in deeqdaani ay ugu talo galeen gudigaasi reer Puntland in ardeyda reer Boosaaso aqoontooda kor loo qaado lana baro aqoonta cilmiga qeybaheeda kala duwan.
Boosaaso-Baro
allburtinle.com


