Arsenal oo Caawo kooxda Blackburn kaga badisay 2.1
August 28, 2010 // admin // Sports
Kooxda Arsenal ayaa galabta ugu awood sheegatay garoonkeeda Fly Emartis kooxda Blackburn waxaana abaarihii 20 daqiiqo ee kaambiyihii hore goolkii kowaad u saxiixay lacibka reer ingiriis ee Walcott kaas oo gool qurux badan shabaqa ku hubsaday.
Sidoo kale kooxda Blackburn ayaa weerar soo qaaday waxaana ay daqiiqadii 27-aad ay shabaqa ku hubsaday koolkii bar bardhaca ahaa waxaana waxaana u dhaliyey Diouf oo ka halmar ka farxiyey taageerayaasha Blackbun wallow aysan u suurta galin in ay caawo Blackburn ay guushu raacdo.
Daqiiqadii 50 ayaa waxaa goolkii labaad u ssaxiixay kooxda Arsenal lacabka lagu magacaabo Archeven kaas oo dhaliyey gool taageerada naadiga Arsenal niyada u dhisay waxaana ay ciyaartaani ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guusu ku raacday kooxda Arsenal ee reer Ingiriis.
Kooxda Arsenal waxaa ay sanadkaan dadaal ugu jirtaa in ay qaado kooxbka loo yaqaan horyaalka dalka ingriiska islamarkaana waxaa ay ku niyad jirtaa in ay hanato koobka Champ-ka.
Wakiilka Allburtinle-Puntland
Siciid Somali
Loole15@hotmail.com


