digg icon delicious icon

Askarta Boliiska Puntland oo Maanta sameeyay Howgalo baaritaano ah (dhimasho iyo dhaawac ka dhashay)

July 31, 2010   //     //   News

 Boosaaso (AB):-Ciidamada Boliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta ka sameeyay Magaalada Boosaaso howlgalo balaaran kaasoo ay hubka sharci darada ah ku baarayeen.

Howlgalkaani oo saaka soo bilowday ayaa socday saacado dhor ah ayaa wararka aan heleyno waxay sheegayaan in intii howlgalku socday uu geeriyooday qof rayid ah markii ciidamadu rasaas ridayeen ay haleeshay qofkaasi.

Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Boosaaso ayaa lagala wareegay hub ay gaar u laheeyeen iyadoo saraakiisha ciidamada Boliiska horkaceysa ay sheegeen in tabshadaha inta badan ay ka dhacaan suuqa magaalada Boosaaso iyo wadooyinka.

Inta badan howlgalka ayaa la ka dhacay gudaha iyo daafaha suuqa Boosaaso,mana jirto wali wax faahfaahin ah oo saraakiisha ka soo baxay,waxaase jirta in qaar ganacsatada ka mid ah ay ka cabteen hubkooda oo laga qaatay, iyagoo ku doodaya inay hantidooda ku difaacan jireen.

Howlgalka Maanta ayaa ka yara adkaa kuwi maalmihii tagay isla magaaladaasi ay ciidamadu ka sameyneyaan magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari tan iyo wixiii ka danbeeyay markii duleedka magaaladaasi ay ka dhaceen dagaalo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo hogaamiye diimeedka Sh.Maxamed Atam.

Wararkii ugu danbeeyay ayaanu ku helnay in duhurnimadaani kooxo aan la aqoon ay dhaawac gaarsiiyeen 3 askari oo boliiska Boosaaso ka tirsan,iyadoo aan la aqoon kooxaha sida rasmiga ah uga danbeeya dhaawaca askartaasi la gaarsiiyay.

allburtinle.com
Boosaaso-Bari

Readers Comments (0)