News

Aways Axmed Sardheye oo Ku Guulaystay Gudoomiyaha Uruka PYAAN

Doorashada guddoomiyaha ururka dallada dhallinyarada Puntland ayaa goor dhow lugu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe. Xilkan waxaa ku tartamay Farxaan Maxamed Nuur iyo Aways Axmed Sardheye oo horey xilkan u hayay.

Warbaahinta ayaa doorashada si toos ah u tabineysay, waxaana markii ay codeynta soo dhammaatey ku dhawaaqay natiijada doorashada guddiga doorashada oo sheegay musharrax Farxaan Maxamed Nuur inuu heley 9 cod, halka Aways Axmed Sardheye uu helay 19 cod, guddiga doorashada ayaa marka sheegay xilka guddoomiyaha dallada dhallinyarada inuu ku guuleystay oo xilkan markii labaad qabannaya.