News

Baabuur iyo Ciidan ka soo Goostay Maamulka Soomaliland

Gaarigii uu Ciidanka Booliiska Laascaanood kala soo baxsaday C/risaaq Aadan Geele oo Magaaladda Garoowe soo gaaray.
Gudoomiyaha Sool ee dhanka Puntland C/laahi Aadan Geele oo Darawalka gaariga la soo fakaday ay walaalo yihiin iyo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa soo dhaweeyay Askari Ciidanka Booliiska Laascaanood ka tirsanaa oo la soo goostay Gaari Toyota-Hilux oo ku buufsan Calaamadda Ciidanka Booliiska.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa Askarigan iyo Gaarigaba in Warbaahinta loo soo bandhiggo,

Waxaa maalmihii u danbeeyey isi soo tarayey baabuur iyo ciidamo ka soo goosanayey maamulka soomaaliland kuwaas oo soo gaaraya puntland, iyadoo dhawaan la filayo inay soo gaareen ciidamo iyo gawaari ka soo goosanaya maamulka soomaliland.