Baabuurtii lagu haystay Magaalada Wardheer ee soonka shanaad Itoobiya oo dib xoriyadooda u helay
June 30, 2010 // admin // NewsDhuusa-mareeb (AB):-Baabuur gaareysa ilaa 20 kuwa Xamuulka ah islamarkaana laga lahaa Gobolada dhexe Soomaaliya ayaa dib u helay xoriyadooda kadibmarkii Itoobiyaanku mudo ku haysteen Magaalada Wardheere ee Kilinka 5aad.
Qaar ka mid ah darawalada gaadiidkaasi ayaa saxaafada u sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin xoriyadoodii oo ay dib u heleenmarkii ay maalmo badan ku xinibnaayeen Magaalada Wardheer,waxaa uu intaasi ku daray in sii deyntooda ay gacan weyn ka gaysteen Maamulka Ururka Ahlu suna ee ka taliya qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in darwalada gaadiidka la soo daayay ay mudo ku xirnaayeen xabsi ku yaal Magaalada Wardheere walina Dowlada Itoobiya faah faahin kama bixin sababta ay dadka Soomaaliyeed iyo baabuurtooda u haysteen.
Saraakiisha Ururka Ahlu suna ee Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa laga soo xigtay inay iyagu saacadaha soo socda faahfaahin ka bixin doonaan qaabkii ay ula xaajoodeen Dowlada Itoobiya islamarkaana ay ugu guuleysteen in la soo daayo baabuurta mudaba lagu haystay dhulka Soomaalida ee Itoobiyaanku xoogga ku haysto.
Wararka laga helayo Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay soo gaareen baauurtii lagu haystay magaalada Wardheere ee soonka 5aad Itoobiya.
allburtinle.com
Dhuusa-mareeb-Galgaduud


