digg icon delicious icon

Baaq kuwajahan Isimada waxgaradka Beesha Omar Mahamud

January 1, 2012   //     //   Articles, News

Kadib markaan aragnay dhibaatada isdaba jooga ah oo aan xadka lahayn oo ku dhacaysa
waxgaradkii, aqoon yahanaddii, baayacmushtarkii iyo siyaasiyiintii.

Kadib markaan aragnay magaaladii ugu waynayd degaanada Cumar Maxamuud oo
makhaayadihii lagu cawayn jiray aan marhaday casarka dhaafto la fariisan karin.

Kadib markaan aragnay masaajadadii eebe lagu caabudayey oo culamadii biri magaydada
ahayd la laynayo mar haddii aasku madoobaado.

Kadib markaan aragnay in dhiigga Cumar Maxamuud noqday sahal daadintiisu gudaha
magaalada Gaalkacyo iyo daafaheedaba.

Kadib markaan aragnay in midnimadii iyo isu damqashadii Cumar maxamuud la waayey oo
reerba meel gaar ah bahal ku cunayo.

Kadib markaan aragnay faraxumaynta sharaf dhaca ah ee lagu hayo dumarkii haddana usoo
gudubtay in caruurtii iskuulada aadi jiray welwel laga qabo soo noqoshadooda.

Kadib markaan aragnay ka gilgelasha la’aanta xumaanta isdaba jooga ah ee lagu hayo
bulshada Cumar maxamuud.

Kadib markaan aragnay sharaf la’aanta haysata bulshadii magac iyo sharafta ku dhex lahayd
bulshooyinka kale oo aan manta golayaasha laysugu yimaado kadhex kaftami Karin.

Anagoo ah Qurba Joogta Cumar Maxamuud ee Xumaandiid waxaan go’aan ku gaarnay
qodobadaan hoos ku xusan…

1. In aanan dib danbe u eegan sharaf xumada iyo nabad la’aanta soo wajahday

bulshadayadii magaca iyo maamuuska lahayd ee Cumar Maxamuud.
2. Inaan ka shaqayno sidaan usoo celin lahayn isu damqashadii iyo hiilkii ka dhaxeeyey
dhammaan bulshada Cumar Maxamuud.
3. Inaan dhamayno khilaafaadka keenay in la waayo wax wada qabsigii iyo is ehelaysigii
ka dhaxayn jiray bulshada Cumar Maxamuud.
4. In Ninkii ruux Cumar Maxamuud ah dilaa la mid yahay nin Cumar Maxamuud oo
dhan dilay ninkii ruux Cumar Maxamuud wanaajiyaana la mid yahay nin Cumar
Maxamuud oo dhan wanaajiyey.

5. In talada Cumar Maxamuud dib ugu soo noqoto wax garadkii loo idmaday ee ahaa

Isimka guud iyo Nabadoonadii loogu caano shubay inay ka shaqeeyaan wada jirka,
midnimada iyo sharaf kuwada noolshaha dhammaan bulshada Cumar Maxamuud.
In laga hortago dhammaan ururada iyo siyaasiyiinta caadaystay kala kaxaynta iyo
isku dirka bulshada Cumar Maxamuud iyagoo ku qaraabanaya ka shaqaynta danaha
iyo magaca Cumar Maxamuud.
In aan isu taagno annagoo u hurayna naf iyo maalba sidii loo heli lahaa loona soo
celin lahaa wadajirkii, midnimadii, sumcaddii, sharaftii iyo nabaddii dhammaan
bulshada Cumar Maxamuud anagoon cidna xumaan u gaysanayn.
In aan marna laga nasan lagana daalin sidii ay ku suurto geli lahayd soo celinta
midnimadii Bulashada Cumar Maxamuud.
In aan ugu baaqno walaalaheena kale ee Maxamed Harti, Maxamuud Harti, Siciid
Harti, Axmed Harti, Liibaan Harti, Abdiraxman Harti, Guuleed Harti, Guule Harti,
Geri Koombe, Cabdi Hantiile, Xarle Hantiile, Absame Kumade, Meheri Ismaaciil,
Madhibaan, Ciise Daarood, Awrtable iyo Leelkase sidii aan uga shaqayn lahayn oo u
hergelin lahayn kuwada noolaasho nabad iyo sharaf ku dhisan.
In aan Alle Bari samayno inagoo Allah Subxaanuhu Watacaalaa meel kasta aan
joogno ka baryeena inuu inoo sahlo oo inoo fududeeyo siday noogu hergeli lahayd
arimahaas aan kor kusoo sheegnay.

Ku… Isimka Guud ee beesha Cumar Maxamuud

Ku… Dhammaan Nabadoonada beesha Cumar Maxamuud

Ku… Dhammaan Culumada, Aqoon yahanada iyo Wax garadka Beesha Cumar Maxamuud

Ku… Dhammaan Dumarka Beesha Cumar Maxamuud

Ku… Dhammaan Dhalinyarada Beesha Cumar Maxamuud

Waxaan ka codsanaynaa in ay wixii talo iyo tusaale ah ee sahli kara soo celinta Midnimadii,
Sharaftii, Sumcaddii Iyo Magacii beesha Cumar Maxamuud nagu kaalmeeyaan idinkoo
noogu soo diraya Emailka hoos ku qoran…

Waxaan kaloo codsi u diraynaa Ciddii damiir leh oo daacada oo doonaysa wanaagga iyo
midaynta Cumar Maxamuud inay ka qayb qaataan u istaagidda sidii loo heli lahaa arimahaas
kor kuxusan waxaadna nagala soo xeriirtaan Haddii Allah idmo Emailkaan hoos ku qoran

xumaaandiid@hotmail.com

WabiLaahi Tawfiiq

Readers Comments (0)