Baarlamaanka Puntland oo Maanta soo afjaray kalfadhigoodii 24aad
July 31, 2010 // admin // NewsGaroowe (AB):-Magaalada Garoowe waxaa maanta lagu soo afjaray kalfadhiyadii 24aad ee Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Puntland kadib kulankii maanta ka dhacay xarunta Baarlamaanka.
Intii uu socday kalfadhigaani 24aad xildhibaanada Puntland waxay ka doodeen qodobo badan islamarkaana ay ansixiyeen waxaana laga xusi karaa kii ugu danbeeyay ee ku saabsanaa xisaab xirka sanadka 2009 iyo sanadka 2010.
Sidoo kale intii kalfadhigaani socday waxaa la xasuustaa in fadhiyadii ugu danbeeyay gaar ahaan kii 28-kii bishaan ay xildhibaandu cod u qaadeen in xubnimada laga xayuubiyo 3 xildhibaan kuwaasoo lagu eedeeyay inay taageeraan dhaq dhaqaaqa jabhada SSC.
Xildhibaanadaasi oo lagu kala magacaabo,Saleebaan Cumar Jaamac,Abshir Cabdi Sheikh,Ibraahim Cabdi Guure kuwaasoo qarkood diideen waxa lagu eedeeyay,inkastoo maalintii xilka laga qaaday uu fadhiyay Madaxweyne Farooele.
Si kastaba Gudoonka Baarlamaanka ayaa laga sugayaa inay iclaamiyaan xiliga uu furmi doono kalfdhiga 25aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
allburtinle.com
Garoowe-Nugaal


