News

Baarlamaanka soomaaliya oo ka doodaya Mooshinka Heshiiska Dekadda Bar Bara

Baarlamaanka Federaalka oo maanta xarunta golaha shacabka ku yeellanaya fadhiggoodii ugu horreeyay kalfadhigga saddexaad, ayaa qodobbada ay ka doodi doonan waxaa ka mid ah wax ka badalka Xeer-hoosaadka golaha iyo sidoo kale heshiiskii dekedda Berbera ee shirkadda DP World, sida u xaqiijiyay xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Doodda ku saabsan heshiiska dekedda Berbera waa qodob xasaasi ah, xukuumadda ayaa horey go’aan ay uga soo horjeedo heshiiska soo saartay, waxaana go’aanka u dhaliyay Soomaaliland inay hakisay wadahadallo ay dowladda Federaalka kula qaadan lahayeen dalka Jabuuti. Baarlamaanka ayaa dhankooda la sugaya go’aanka ay ka qaaten heshiiska.