digg icon delicious icon

Balotelli iyo De Rossi oo laga saaray xulka Italy

March 22, 2011   //     //   Sports

Tababare Cesare Prandelli ayaa ka saaray xulka qaranka Italy weeraryahanka Manchester City Mario Balotelli iyo ciyaaryahanka khadka dhexe Roma Daniele De Rossi, wuxuuna tababaraha arintan sabab uga dhigay inay jebiyeen xeer anshaxeedka isaga u degsan.

Xulka Italy ayaa isku diyaarinaya isreebreebka Euro 2012 oo ay Jimcaha la kulmayaan Slovenia iyagoo ka dibna ciyaar saaxiibtinimo la yeelanaya 29ka March xulka Ukraine. Lakiin labadan ciyaaryahan ayaa looga tegay hab-dhaqanka naadiyadooda.
Balotelli ayaa isaga la kulmay eedeyn uga timid tababarahiisa Roberto Mancini ka dib markii uu mutaystay kaarka cas kulankii Dynamo Kiev ee Europa League, halka De Rossi la ganaaxay saddex kulan ka dib markii uu xusul uu ku dhuftay ciyaaryahan Shakhtar Donetsk kulankaas oo Roma looga reebay Champions League.
“Waan aqbalayaa ka saaristayda xulka, waayo waan garanayaa xeerka iyo anshaxa degsan waana tixgelinayaa,” ayuu yiri De Rossi. “Waxaan rajeynayaa arintan inay ku egtahay illaa labo ciyaarood waana ku soo laabanayaa sida ugu dhaqsiayaha badan Azzurri.
Xulka Italy ee wajahaya Slovenia iyo Ukraine:
Buffon (Juventus), Sirigu (Palermo), Viviano (Bologna); Astori (Cagliari), Balzaretti (Palermo), Bonucci (Juventus), Chiellini (Juventus), Criscito (Genoa), Gastaldello (Sampdoria); Maggio (Napoli), Ranocchia (Inter), Santon (Cesena), Aquilani (Juventus), Marchisio (Juventus), Mauri (Lazio), Montolivo (Fiorentina), Thiago Motta (Inter), Nocerino (Palermo), Parolo (Cesena); Cassano (Milan), Gilardino (Fiorentina), Giovinco (Parma), Matri (Juventus), Pazzini (Inter), Rossi (Villarreal).
 

XIGASHO: isboorti.com 

Readers Comments (0)