News

Beelo Walalo ah oo heshiis uga bilawday degmadda Qardho

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxaa saakay ka furmay Shirweyne dib u heshiisiin oo lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay diriri ku dhex maraysay degaano ka tirsan gobolka Karkaar.

Gogosha nabadeynta beelahan walaalaha ah ee Cali Saleebaan iyo Muuse Saleebaan oo uu dhigay Boqor Burhaan Boqor Muuse ,ayaa waxaa ka qeyb galaya wufuud kala duwan kuwaasoo kamid ah isimo,madax dhaqameed, masuuliyiin heer dowladeed iyo wufuud kale oo kamid ah beelaha la heshiisiinayo.