News

Biyo La’aan Baahsan oo ka taagan degmada Baargaal

Baargaal(PV):-Wararka ka imaanaya Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ayaa sheegaya in deegaano hoos yimaada degmadaasi ay ka taagan tahay biyo la’aan baahsan taasoo qarka u saaran in looga barakaco.
Wararka ugu danbeeya ee aan heleyno ayaa sheegaya in fuustada biyaha deegaanadaasi lagu kala iibsanayo 30$ dolar qiimahaas oo ah mid inta badan aysan dadku awoodin.
Meelaha biya la’aanta xumi ka jirto waxaa ka mid ah Qoraxaad, Taageer iyo miyiga deegaamadaas,dadka awooda ayaa iibsanaya inta badana way u dhibtoon yihiin biya la’aanta.
Dowlada Puntland iyo Maamulka Baargaal ayaan midkoodna waxba u qaban dadka halkaasi ku dhaqan sida uu cadeeyay Faarax Saalax Yuusuf oo ah xildhibaan ka tirsan golaha degaanka degmada Baargaal.
Xildhibaanka wuxuu tilmaamay in ilaa sedex bilood ay dadka deegaanadaasi ku dhaqani wadeen biyo dhaamis islamarkaana ay ku jiraan xaalad tii ugu adkeyd.
“dhibaatooyinka ugu badan waxay ka yimadeen
Xafiiska wararka puntlandvoice.com
puntvoice6@gmail.com