News

Boqor Buur-Madow oo Baaq Nabadeed u diray Puntland iyo Soomaaliland.

Boqor Buur-Madow waxaa uu si adag uga hadlay xaaladda Puntland iyo Soomaaliland.

”Dadka soomaaliyeed waa walaalo ,siyaasiyiinta ayaa xooga ina kala qoqobtee bulsho ahaan isma aynaan qaban, anagu waxaanu soomaaliland uga nimi caana shubka kasokow egraanu sidnaa ,anagu dhaqan ahaan waxaanu culays ku saraynaa Muuse Biixi in laga fogaado wixii colaad inoo keenaya dagaalna uma baahnin walalayaal ,Cabdiwelina waa lasoo xiriirnay waxaanu Muuse ka filaynaa in isagoo cusub inuusan colaad ku bilabinxukuumada iyo guud ahaan Soomaaliland, waxan usoo jeedinaynaa in ciidamada laka qaado.nabadgelyeynu u bahannay maanta uma baahnin colaad iyo ciidamo is hor fadhiya.”