Burcad badeed la qabqabtay iyo markab Japan laga leeyahay oo la sii dayaay
February 28, 2011 // admin // News
koox ka tirsan burcad badeeda Soomaalida ayaa lagu qabtay Jasiiradda Sumatra ee Dalka Indonesia,waxaana gacanta ku dhigay ciidamada ilaalada badda ee dalka Indonesia.
kooxaha la qabqabtay waxaa lagu eedeeyay inay doonayeen falal maraakiib lagu afduuban lahaa iyadoo raga la qabtay la sheegay inay ahaayeen 2 kaliya kuwaaso watay dooni nuuca ay burcadu sahanka u adeegsadaan.
Saraakiisha Ciidamada Badda Indonesia ayaa warbaahinta u sheegay inay ku qabteen labada burcad badeed qoryaha loo yaqaan Ak 47 hadana ay ku hayaan xabsi waxayna magacyadooda ku kala sheegeen Aadan Cali C/laahi iyo Maxamed Maxamuud Saciid.
lama yaqaan talaabada ay ka qaadan doonto dowlada Indonesia labadaasi burcad badeed ee ay qabteen iyadoo dhawaana sidaas oo kale ay qabqabyeen burcad badeed soomaaliyeed.
dhanka kale wararak markab laga lahaa dalka Japan oo ay haysteen burcad badeeda Soomaalida ayaa la sii daayay iyadoo wararka qaar sheegayaan in madax furasho laga qaatay dowada Japan.
Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com


