Burcad Badeed lagu xukumay Dalka Kenya
September 30, 2010 // admin // NewsMaxkamad ku taal Dalka Kenya ayaa qaaday dacwad 11 dhalinyaro Soomaaliyeed ah kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay burcad badeed yihiin.
Kooxahaani waxaa lagu eedeeyay inay afduuban rabeen markab bada gacanka cadmeed marayay iyadoo ciidamada Farnsana la sheegay inay soo qabteen iyagoo ku howlan isku day afduub.
Inkastoo abuukaatayaal u doodeen ayaa hadana garoosihii maxkamada waxaa uu ku dhawaaqay in mid kasta oo ka mid ah 11-kaani Soomaalida ah lagu xukumay min 5 sano oo xarig ah.
Bishaan gudeheeda waa markii labaad oo Maxkamad ku taal kenya ay xukunto koox burcad badeed ah taasoo aan hore loo arki jirin madaama Kenya ka qeylineysay inaaney jirin xid ku dhaqaale siisa xariga iyo maxkamadeynta kooxaha burcad badeeda.
Ugu danbeyn Garoosaha ayaa markii uu amray in dhalinyardaasi xabsiga lagu hayo 5 sano ayuu intaasi ku daray in dalkooda Soomaaliya loo masaafurin doono marka ay dhamestaan xukunka xariga ah.
allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho


