News

Cali Cabdalla Saalax oo lagu dilay dagaalka Magaalada Sanca

abhadda Xuuthiyiinta Yemen, ayaa sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Sanca lagu dilay Madaxweynihii hore ee dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax.

Telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadlana wuxuu goor dhow baahiyay in dagaalkii la soo afjaray, ka dib markii la dilay Madaxweynihii hore ee dalka Yemen, oo dagaalka hogaaminayay.

Muuqaal video oo lagu baahiyay barraha bulshada, ayaa waxaa lagu arkay meydka nin u eg Cali Cabdalla Saalax, xilli taageere-yaasha Xuuthiyiinta ay meydka ninkaasi ku soo wareejinayeen wadooyinka Sanca.

Saraakiil u hadashay Xuuthiyiinta, ayaa sheegay in Cali Cabdalla Saalax lagu dhex dilay hoygii uu ka deganaa Magaalada Sanca, ka dib markii sida ay sheegeen ay dhismahaasi qarxiyeen.