News

Camey oo raali-galin siiyay Culimada

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey, ayaa raali galin ka bixiyay hadal uu dhawan warbaahinta ka sheegay oo khuseeyay oraahdii Culimada ee ku aadanayd Fanaanada Kiin Jaamac.

“Shir aan ka hadlayay aan ka iri war culimadu ha ka hadasho amniga dalka gabar yar oo heesaysa yaysan ka hadline, culimadu xoogaa waa igu xanaaqday, markay igu xanaaqeena waxaan iri raaligalin baan bixinayaa, waliba hadii uu arkay Sheekh Bashiir Runtii waan ka raali galinayaa uma arkayn inaan dhaliilo ama aan iraahdo waxaan dambi maaha, yes waa dambi laakiin waxaan lahaa war wax ka weyn baa jira, waayo goobtii Soobe inta ku dhimatay kaliya hadaad dib u eegtaan inaan cidno ka hadlin yes culimadu waa ka hadashay laakiin waxaan lahaa kordhiya,” ayuu yiri Camey.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in hadalkaas sida uu yiri laga weeciyay “Culimadana sida loo dhigay ama ay u tahay ama aad u maqasheen anigu marnaba uma oran, waxaad ka hadasheena waa xaq, hadii aad u aragteen in la idin ku gafayna raali ha laga ahaado gaar ahaan Sheekh Bashiir,”

Hadalkan ayuu sheegay maanta mar uu ka qayb galay shir looga hadlay amniga Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Garoowe.

Baraha bulshada ayaa todobaadkan aad loogu falanqeeyay hadal Madaxweyne Camey ka sheegay madal looga hadlayay Tayada maamul ee Puntland oo ka dhacay PDRC Sabtidii aan soo dhaafnay.