News

Caruur Gaaraysa Boqolaal oo Askar ahaa oo xoriyadooda Dib u Helay

Hay’adda Qaramadda Midoobay u Qaabilsan caruurta ayaa sheegtay in caruur Gaaraysa Boqolaal laga siidayeyey Kooxo Jabhad ah kuwasoo Afduub ku haystay caruurtaas, kuwasoo loo isticmaalyey in la askareeyo, kadib dadaalo dheeraad ah oo ay samaysay Qaramadda Midoobay ayaa Suuro gashay in Caruurtaan ay Xoriyadood dib u hellaan,

Caruurtan ayaa la sheegay in ay ku jiraan 87 gabdho ah, hawshan ayey muddo ka shaqeenayeen hawlwadeenada xafiiska UN-ka u qaabilsan dalkaasi oo loo yaqaan UNMISS.

Wadankaasi oo xoriyada helay sanadkii 2011 ayaa tan iyo xiligaasi ku jiray dagaal sokeeye oo u dhaxeeya Xukuumada Madaxweyne Salfakiir iyo Mucaaridka uu hogaamiyo Madaxweyne kuxigeenkii hore Riek Machar.

Labada dhinac ayaa boqolaal caruur ah hubka u dhiibay si ay uga qeyb qaataan dagaalada, waana markii ugu horeysay dalkaasi oo lagu guuleysto in hubka laga dhigo tiro intaan la eg caruur askar ahaa.