digg icon delicious icon

Ciidamada Alshabaab oo la wareegay gacan ku haynta deegaaka Kulbiyow

May 31, 2011   //     //   News

Ciidamada Dowlada KMG ah ah iyo kuwa xarakada Alshabaab ayaa saaka ku dagaalamay deegaanka Kulbiyow oo ku yaal xad beeneedka Soomaaliya iyo Kenya waxaana halkaasi khasaare uu ku soo kala gaaray labada dhinac.

Wararka durba ka soo baxay halka dagaalku saaka aroortii ka dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Alshabaab ay la wareegeen gacan ku haybta deegaanka Kulbiyow oo hore u joogeen ciidamada Dowlada KMG ah Soomaaliya inkastoo wararka qaar sheegayaan in ciidamada Sh.Axmed Madoobe ahaayeen kuwii lagala wareegay deegaankaasi.

Ku dhawaad 5 ruux ayaa la sheegay inay labada dhina isaga dleen dagaalka saaka iyadoo tiro intaasi ka badana dhaawacyo ay ka soo gaareen.

Dhanka alshabaab waxaa saxaafada la hadlay Afhayeenkooda ciidamada Sh/C/casiis Abuu Muscab kaasoo sheegay inay iyagu weerarka qaadeen saaka islamarkaana ay la wareegeen deegaanka Kulbiyow.

Dhanka Dowlada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay marka la eego dagaalka culus ee saaka ka dhacay deegaanka Kulbiyow iyadoo dadka deegaanadaasi ka ag dhow ay sheegayaan in madaafiic xoogan iyo asaas la isu adeegsaday dagaalka saaka.

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com

Readers Comments (0)