Ciidamada AMISOM oo Saaka fariisimo cusub ka sameystay meel u dhow xarunta Kuliyada Jaale Siyaad
October 31, 2010 // admin // NewsMuqdisho (AB):-Wararka saaka laga helayo wadada warshadaha qeybo ka mid ah ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM fariisimo cusub ka sameysteen nawaaxiga haanta dheer oo u dhexeysa warshada Kabka iyo isgoyska Ex kontorol Afgooye.
Ciidamada oo awalba deganaa warshada kabka iyo kuliyada jaale siyaad ayaa hadana isku balaariyay ilaa iyo haanta dheer oo u dhow warshada halkaasoo shalay miino loogu aasay ay ku qaraxday koloyo baabuurta Ciidamada Burindi oo markaasi ka soo baxay Kuliyada jaale siyaad waxaana kaga geeriyooday ilaa 4 askari sida saraakiisha Alshabaab sheegeen shalay qaraxa kadib inkastoo iyaga aysan wali qiran arintaasi.
Wadada warshadaha oo ay shalay galab ay xireen ayaa saaka markii ay fasaxeen in baabuurtu marto waxay ku soo arkeen dadkii soo maray ciidamada oo dhufeysyo hor leh ka sameysanaya ka soo horjeedak ahaahnta dheer dhismo hore u bur burey oo halkaasi ku yaal,waxayna dhiganayeen jawaanada ciida laga buuxshay ee alaaba ay dhufeysyada ka dhigtaan iyo silig ay ku wareejinayeen fariisinka cusub.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay doonayan sidii ay uga hortagi lahaayeen in miino loogu aaso halkii shalay qaraxu uu ku haleelay askartaasi islamarkaana ay ilaalo ka qabtaan waxaana wararka sidoo kale la helayo ay sheegayaa inay shalay galab wadadaasi ka sameyeen ciidamada Burindi howlo miino baaris ah.
Maaha markii ugu horeysay oo ciidamada Midowga Afrika ee ku jira Kuliyada jaale siyaad ay isku balaariyaan wadada warshadaha dhanka isgoyska Ex kontorol Afgooye halkaasoo ah wadada ay u aadaan dhanka degmooyinka wadajir iyo dharkeenley iyo hodan oo ay fariismo badan ku leeyihiin,wadada warshadaha waxay ka mid tahay meelaha ugu qatarsan ee ay ciidamada AMISOM kala kulmaan dagaalo fool ka fool ah inkastoo waqtiyadaan danbe ay noqotay wadada dadka reer muqdisho adeegsadaan.
allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho
diyeeshe15@hotmail.com


