Ciidamada Amniga Puntland oo Gacanta ku Dhigtay Dooni Si Sharci Daro ah uga kaluumaysaneysay Xeebeheeda
September 29, 2010 // admin // NewsGAROOWE(AB):-Ciidamada amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay dooni si sharci daro ah uga kaluumaysaneysay xeebaha bari ee deegaanada Puntland waxaana howl galadaan qaaday ciidamada Amaanka Puntland gaar ahaan ciidamada ilaalada ee xeebaha Puntland kuwaas oo mudooyinkii ugu dambeeyey howl galo kala duwan ka waday xeebaha Puntland.
Doonidaan ay maanta gacanta ku dhigeen ciidamada amniga Puntland ayaa la sheegay in ay ka diiwan gashan tahay dalka Yemen taas oo la sheegay in ay ahayd doonyaha kaluumaysiga gaar ahaan kuwa jariifka islamarkaana ahayd coocan dida wayn u jariifa kaluunka badan
Masuuliyin ka tirsan Wasaarada dekaddaha iyo gaadiidka Badda Dawladda Puntland ayaa warbaahinta doonidaan ka warbixiyey waxaana ay sheegeen in ciidanka ay doonidaas kasoo qabteen xeebaha gobolka Bari iyadoo ay waday kaluumaysi sharci darro ah looga guray biyaha Puntland islamarkaana aan shaci u haysan in ay ka kaluumaysato xeebaha Puntland.
Doonida ayaa xilligaan ku xiran dekadda weyn ee Bosaaso,lamana yaqaano talaabada ay maamulka Puntland ka qaadi doonaan waxaana lagu hayaa baaritaano kala duwan.
Xeebaha Soomaaliya waxaa si sharci darro ah uga kaluumaysta maraakiib iyo doonyo laga leeyahay wadamo shisheeye kuwaas oo xitaa ay ilaaliyaan maraakiib dagaal mana jirto wax xiriira oo dhexmaray maamulka Puntland iyo wadanka ay ka diiwaan gashan tahay doonidaani.
Ma ah markii ugu horaysan ee doonyo kaluumaysi lagu arko xeebaha deegaanada Puntland gaar ahaan xeebaha gobalka bari oo ay ku sugan yihiin ciidamada bada ee wadamada Yurub ee ilaalada ka wada biyaha caalamiga ah.
Siciid Soomali
Wakiilka Allburtinle-Garoowe



