digg icon delicious icon

Ciidamada Amniga Puntland oo Howl Galgaladii Xerada Daxya ku Soo Qab Qabtay Kharmi iyo Dad.

February 28, 2011   //     //   News

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa maanta howl galo kala duwan ka fuliyey magaalada galkacyo ee xarunta gobalka mudug, howl galadaan ayaa waxaa lagu qaaday xerada Dayax ee bartamaha magaalada ku taala taas oo ay in mudo ah ahayd goob lagu iibiyey waxyaalaha amaanka wax u dhimaya gaar ahaan khamrada, qoryaha fud fudud iyo xashiisada .

Howl galdaan oo ay qaadeen laamana Amniga Puntland ayaaa waxaa horkacayey saraakiil sar sare oo ay ka mid yihiin Taliyaha kuxigeenka guud ee ciidamada Amaanka iyo dhaqan celinta Puntland Col. Maxuyadiin Axmed Muuse iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha Amaanka Gobalka Mudug.

Madaxdaan maanta howl galada ka fuliyey xerada daxya ayaa sheegay in ay u dul qaadan waayey waxyaalaha xun xun ee ka dhacaya magaalada Galkacyo taas oo laga soo abaabulo xerada dayax iyo goobo kale oo ay isla howl galadaan maanta la fuliyeen.

Col. Maxuyadiin ayaa saxaafad u sheegay in ay howl galdiid ay maanta ku qaadeen xerada dayax ay ku soo qab qabteen maandooriyaal isugu jira khamri,xashiishada iyo gaadiid lagu soo galin jiray gudaha magaalada islamarkaasna ay sifeeyeen xiradaas hadana ay gacanta ugu jirto ciidamada Amniga Puntland.

Howlgalka Xero-Dayax ee ay ciidanka Amaanku saaka sameeyeen waxaa soo dhaweeyey intabadan shacabka gobolka Mudug,waxaana uu noqonayaa kii ugu balaarnaa ee abid halkaas laga fuliyo iyadoo marar badan ay madax katirsan Puntland isku dayeen balse ay ku guul darayseen qaarkoodna ay Rasaas culus kala kuleem kuwaas oo ay kamid ahaayeen dhamaan Gudoomiyeyaashii soo maray degmada Gaalkacyo.

Ugu Dambayntii Taliyaha ayaa xusay in howl gadaani ay sii socon doonaan kuwaas oo lagu doonayo in wax looga qabto Amaanka Gobalka Mudug gaar ahaan la dagaalanka Burcad badeeda iyo maandooriyaha oo dhawaanahaanba si wayn ugu soo badanayey magaalada Galkacyo

Siciid Soomali-Garoowe

 

Readers Comments (0)