digg icon delicious icon

Ciidamada Dowlada KMG oo Saaka Howlgalo ka wada Wadada Maka Al-mukarama kadb Qaraxyo Xalay halkaasi ka dhacay.

June 30, 2010   //     //   News

Muqdisho (AB):-Labo qarax oo loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa xalay lagu weeraray ciidamo ka kala tirsan AMISOM iyo kuwa Dowlada KMG kuwaasoo fariisimo ku wada leh wadada Maka Al-mukarama.

Qaraxa lala beegsaday Ciidamada Dowlada ee ku jira garaashka Xaaji Baasto ayaa la sheegay in 3 qofood oo 2 askari ahaayeen ay ku dhaawaceen halka qofka kale uu ahaa qof rayid ah kuwaasoo loola cararay goobaha caafimaadka.

Qaraxa labaad oo ahaa isna Bamgacmeed ayaa lagu weeraray ciidamada Midowga Afrika kuwaasoo fariisimo ku leh guryaha shaqaalaha lamana oga khasaaraha askartaasi ka soo gaaray bamgacmeedka lagu tuurey,balse waxaa la sheegay inay fureen rasaas aad u badan.

Dad ka agdhawaa goobta qaraxyadaasi ka dheceen ayaa sheegay in qal qal xaga amniga ah uu soo wajahay shacabka meelahaasi ka agdhawaa iyagoo ka cabsanayay in ciidamada  Dowladu  samee yaan howlgalo dadka lagu qab qabanayo.

Dhanka kale Ciidamada Dowlada ayaa saaka howlgalo ka wada nawaaxiga garaashaka Xaaji basto oo ah halkii xalay lagu weeraray Bam gacmeed ,iyagoo baadi goobaya inay helaan dadkii ka danbeeyay qaraxyadii xalay guud ahaan wadada Maka Al-mukarama ka dhacay.

allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho

Readers Comments (0)