digg icon delicious icon

Ciidamada Dowlada oo maanta laayeen in badan 10 shacab ah

January 31, 2011   //     //   News

Muqdisho(AB) Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah Soomaaliya ayaa maanta laayeen ku dhawaad 15 qofood oo shacab ahaa kuwaasoo ku sugnaa Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho markii ay la dhaceen rasaasta qoriga Zuu-ga loo yaqaan.

Ku dhaqaad 50 qofood kale ayaa dhaawacyo soo gareen kuwaasoo qaarkood hilibkooda iyo xubnaha jirkooda laamiga laga gurbiyay waxaana la garsiiyay isbitaalka Madiina oo aad ugu dhow halka mashaqadu ka dhacday.

warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka ay ku timid xaquuqa shacabka intaas la eg loo gaystay wararka qaar ayaa sheegaya in baabuuirka uu saaran yahay qoriga lidka diyaaradaha ay ka fakatay rasaasta dadka laysay halka warar kalana sheegayaan xurguf u dhexeysay ciidamada Dowlada dhexdooda ay dadkaasi ku le’deen.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in askari Dowlada ka tirsan saaka lagu dilay afaafka hore isbitaalka Banaadir taasoo keentay xiisad ka dhex dhalatay ciidamadii dilka gaystay iyo kuwo kale oo uu ka tirsanaa kan la dilay taasina ay tahay mida soo dedejisay in ciidamada iska soo horjeeda ay tikniko soo dhoobaan isgoyska ilaa isbitaalka Banaadir.

baabuurka lidka diyaaradaha uu saarnaa ee dadka xasuuqay ayaa la sheegay inuu qeyb ka ahaa ciidamo xurguf dagaal uu soo kala dhaxgalay kuwasoo aag isugu jirey xiliga rasaasta dhaceysay.

Ciidamo ka tirsan kuwa BS-ta oo ilaalo u ahaa Wasiirka caafimaadka Dowlada KMG ah ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwii dilay askariga Dowlada markaasoo wasiirku sii galayay isbitaalka waxayna keentay inay ciidamo kale oo ka careysnaa askariga la dilay ay soo gaaraan isbitaalka Banaadir.

Wada xaajood ayaa laga dhex bilaabay ciidamada isku dhacay kuwaasoo laga badbaadshay isugu dhacaan askariga la la dilay darteed oo ilaalada wasiirku ku arkeen baastoolad isagoo wata waxayna uga shakiyeen inuu iyaga weerar ku ahaa kana tirsan yahay Xoogaga Dowlada ka soo hortjeeda.

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com
 

Readers Comments (0)