digg icon delicious icon

Ciidamada Itoobiya oo qabsaday Magaalada Baladweyne

December 31, 2011   //     //   News

Baladweyne (PV):-Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta gabi ahaanba la waregeen ciidamo Itoobiyaan ah oo gacan ka helaya kuwa taabacsan Dowlada KMG Soomaaliya.

Baabuurta Uuraalada loo yaqaan ee Itoobiyaanku caanka ku yihiin ayay dadka reer Baladweyne soo shaagayaan inay magaalada galeen markii dagaal la’aan ay isaga baxeen ciidamadii Xarakada Alshabaab ee halkaasi maamuli jirey walow afhayeen u hadlay uu tilmaamay inay xaafado baladweyne ka tirsan ku sii harsan yihiin.

Ciidamo ka kala tirsan maamulka Dooxada shabelle iyo Ururka Ahlu suna oo labaduba dowlada taageera ayaa ka barbar dagaalamaya ciidamada itoobiyaanka oo duleedka baladweyne dagaalo culus kula galay kuwa xarakada Alshabaab.

Saraakiil u hadashay dhanka dowlada ayaa sheegay inay guud ahaan magaalada Baladwene gacantooda ku jirto islamarkaana aysan ku ekaan doonin balse ay u sii talaabi doonaan magaalooyinka kale ee Gobolka Hiiraan.

Dadka reer Baladweyne ayaa la sheegay inay weli guryahooda ku sugan yihiin iyadoo warar aan ka helnay saraakiisha dagaalada hogaamineysa ee Itoobiyaanka iyo kuwa Soomaalidaba ay u diideen dadka inay guryahooda ka soo baxaan.

Xafiiska Muqdisho
puntlandvoice.com

Readers Comments (0)