Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo Markii ugu horeysay isku fara saaray Xalaya Degmada Ceelbarde
May 31, 2010 // admin // NewsCeel-barde (AB):-Wararka ka imaanaya Magaalada Ceel-barde ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaasi uu xalay ka dhacay Dagaal aad u cuslaa kaasoop u dhexeeyay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee halkaasi ku sugnaa iyo cutubyo ka tirsan ciidamada Xarakad Mujaahidiinta Al-shabab oo weerar ku qaaday magaaladaasi.
Iska horimaadka ayaa socday ku dhawaad Saacad iyo bar waxaana wararka laga helayo magaaladaasi ay sheegayaan in dagaalka la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan,iyadoo askarta Itoobiyaanka la sheegay inay si weyn u adeegsadeen qoroga BM-ka loo yaqaan oo a xafadaah isaga garaacayeen.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Dagaalku ka qarxay markii hore fariisimo ciidamada Itoobiyaanku ku lahaayeen halka loo yaqaan Noley iyo wagaduudo oo ka tirsan Ceelbarde kadibna uu dhamaan magaalada ku fiday dagaalkaasi oo sababay xalay ay magaalada wada faarujiyeen dadkii ku dhaqnaa,sida uu warka ku helay website-ka allburtinle.
Wararkii ugu danbeeyay ee saaka laga helayo magaalada ceelbarde ayaa sheegaya in isgaarsiintii magaalada ay jareen askarata Itoobiyaanka markii xalay dagaalku bilowdayba, ilaa iminkaana aan wax faahfaahin ah laga hayn dagaalkaasi iyo khasaaraha ka dhashay.
Sarkaal u hadlay xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaakaasi jiro islamarkaana ay magaalada Ceelbarde xalay weerarka ku qaadeen ciidamadooda, inkasoo uusan faahfaahin intasi dhaafsiisan ka bixin.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay magaaladaasi ka soo baxeen isla markaana ay soo galeen kuwa Itoobiyaanka oo iyagu xuduud beeneedka ka soo talaaba mar kasta oo halkaasi lagaga itaal roonaado.
allburtinle.com
diyeeshe15@hotmail.com



maashaa’alaah waa nashqad cusub allburtinle mahadsanidiin hambalyo baan idin leeyahay